puntland health : anti tp druqs not allowed to use in pland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland health : anti tp druqs not allowed to use in pland

Post by FBISOMALIA »

Boosaas: Wafti balaaran oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka Puntland uuna hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cali C/laahi Warsame ayna ka mid yihiin Agaasimaha Guud Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah C/risaaq Abshir Xirsi iyo Xubno kale ayaa Kormeer shaqo ku joogey Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, waftigu waxay kulamo kala duwan dhakhaatiirta Gobalka Bari iyo ururkooda ay ku midaysan yihiin ee Parma, Sidoo kale wasaaraddu waxay latashiyo badan la samaysay dhakhaatiirta gobalada kale ee Puntland ku sugan iyadoo wasaaraddu sidoo kale dhagaysatey tixna galisay cabashooyin kasoo yeeray shacabka Puntland waxaana maraas kadib ay wasaaraddu soo saartey wareegto arimaha caafimaadka ka hadlaya taas oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame .


waxayna wareegtadu u qorneyd sida hoos ku qoran:


Ku: Xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, ganacsatada daawooyinka (farmashiyeyaasha), Xarumaha daawayn dhaqameedyada, iyo Warbaahinta kala duwan ee ka howlgasha Puntland

Og: Xafiiska Madaxwaynaha dowladda Puntland

Og: Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og:Isuduweyaasha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalada iyo Degmooyinka Dowladda Puntland

Og: Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland

Og: Gudoomiyeyaasha Gobalada iyo Degmooyinka DowladdaPuntland

Og: Hay’adaha Amniga Dowladda Puntland

Og: Ururada Dhakhaatiirtu ku midoobeen ee Gobaladda Dowladda Puntland

Ujeeddo: Wargallin

Kadib markii ay wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland ay tixgalisay xeerka caafimaadka Dowladda Puntland (Law. Nr. 6) isla markaasna ay la tashiyo badan la samaysay dhakhaatiirta reer Puntland ee ka howlgala gobalda dalka isla markaasna la isla gartay baahida loo qabo in wax laga qabto lana xakameeyo tayyada daawada soo gasha dalka iyo adeegyada caafimaad ee ka jira dalka, iyo xirfadlayaasha ka shaqeeya Caafimaadka.

Kadib markii ay Wasaaradda Caafimaadku garowsatay in muddo dheer si xun loo adeegsanayey mihnadii caafimaadka ayna noqotay wax sidii la doono looga ganacsado qof kastana uu sheegto inuu leeyahay aqoonta caafimaadka.

Kadib markii aan aragnay goobaha tirada badan ee aan sharciyayasnayn ee loo furtay in looga ganacsado Caafimaadka kuwaasoo aan buuxin karin shuruudihii looga baahnaa goob caafimaad dadka ka shaqeeyana ay intooda badan yihiin kuwo aan wax aqoon ah u lahayn caafimaadka.

Kadib markii ay Wasaaradda caafimaadku garowsatay isla markasna baaris ku samaysay dacwadaha badan ee ka imaanaya mawaadiniinta reer Puntland ee ku aadan dad aan aqoon caafimaad lahayn oo furtay goobo lagu sheego in dadka lagu daaweeyo taasoo dhibaato weyn loogu gaysto caafimaadka dadweynaha, ayadoo weliba xayaysiis badan loo sameeyo googahaas iyo dadkaas aan xirfadda caafimaad lahayn.



Kadib markii ay wasaaradda caafimaadku garowsatay baahida loo qabo in la tayeeyo farmashiyayaasha , kulliyadaha jaamacadaha iyo machadyada faraha badan ee lagu sheego in lagu barto caafimaadka.


Waxay Wasaaradda caafimaadku Go’aamisay arrimaha soo socda:


1. In muddo 4 asbuuc gudahood ah lagana bilaabo maalinta wareegtadaan ay soo baxday ay dhamaan xarumaha caafimaadka, ha noqdeen goobaha khaaska loo leeyahay ee dadka lagu daaweeyo, goobaha daawooyinka lagu iibiyo (Farmashiyayaasha), macahida iyo kulliyadaha caafimaadka laga barto ay iska diiwaan galiyaan Wasaaradda caafimaadka xarunta dhexe ama xarumaha ay wasaaraddu ku leedahay Goboladda dalka si loo qiimeeyo, loona siiyo warqadaha aqoonsiga.
2. Waxay wasaaraddu ku wargelinaysaa bahda warbaahinta in ay ka waantoobaan xayaysiinta caafimaadka sida daawooyinka, goobaha caafimaadka, caanaha caruurta.Waxaa mamnuuc ah in caafimaadka la xayaysiiyo lana buunbuuniyo oo laga badbadiyo laguna daro waxyaabo anshax ahaan aan wanaagsanayn, kaliya waxaa la sheegi karaa xarun cusub hadii la furo IWM.
3. Laga bilaabo 09-03-2011 waxaa si rasmi ah loo mamnuucay ka ganacsiga, keenista daawada lagu daaweeyo cudurka qaaxada (Anti –TB Drugs).



Fullin Wacan.

Wareegtadani oo kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: puntland health : anti tp druqs not allowed to use in pl

Post by damu »

:up: :up:
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: puntland health : anti tp druqs not allowed to use in pl

Post by abdisamad3 »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”