War Deg Deg: Meydadaka ciidamada Itoobiya oo waran Galgaduud
Posted: Fri Mar 11, 2011 4:31 am
Meydadka Ciidamada Etoobiya oo waran Deegaano u dhow degmada Dhuusamareeb iyo dagaalka oo sii xoogeestay
Dagaal kii ugu cuslaa wayadaan ayaa xiligaan ka socdo deegaano hoostago degmada Dhuusamareeb qiyaastii oo u jiro wax ka yar 20 KM iyadoona dagaalka ay ka qeyb qadanayaan ciidama Etoobiyaan oo garabsiinayo kuwa Alusuna waljameec oo xiir wangsan la leh dowlada Etoobiya
Dagaalka oo ka socda xiligaan God Dhurwaa iyo Ceel lahelay ayaa waxaa la dhihi karaa waa kii ugu cuslaa ebid marka loo fuuriyo dagaaladii ka dhici jiray halkaas iyadoona dagaalkaan xiligaan dabasocdaan mid shalay ilaa iyo xalay socday
Iska Hormaadkaan xiligaan socdo ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamo Etoobiyaan ah oo dulaan ku ah dhulka Soomaaliya si ay u qabsadaan iyadoona la xasuusanyahay cadowtinimada Soomaalida kala dhaxeyso Etoobiyaanka
Waxeyna wararka ka imanaayo jiidaha dagaalka sheegayaan in ay jiraan Meydad badan oo Etoobiyaan iyo Soomaali ah iyadoona dadka dhintay dhamaan yihiin xoogaga dirirta u dhaxeyso waxaase nasiib xuma ah in lagu kor diriro shacab Soomaliyeed oo la ildaran abaaro iyo Gaajo
Dagaalka ka socdo deeganada Galgaduud ayaan jirin cid guul gaartay marka laga reebo dhimasha badan oo labada koox maal mahaan u faraqxeytay dagaal diimeydo aan dhamaan laheyn