Xuquuqda Maatada iyo Qaxootiyaasha
Posted: Sat Mar 12, 2011 12:46 am
Dagaallada dhiigga badan uu ku daatay ee kharaar ee aan xikmadda ku dhisnayn oo ka dhacaya bartamaha Soomaaliya ee u dhexeeya Xarrakada Shabaab iyo Ciidamada daacadda u ah Ahlu-sunna Waljameeca waxay sababtay in ay barakacaan in ka badan saddex kun oo maato ah oo aan u adkaysan karayn kulka, harraadka, socodka dheer, iyo hagardaamooyinka ay sababaan dagaallada. Marka la eego heerkulka deegaannada ay dadkaani ku barakaceen, ma jirto wax ku noolaan karo xaaladaha ay qaxootigani waajahayaan.
Biyo nadiif ah la’aan awgeed, waxaa laga yaabaa in uu daacuun ka dillaaco meelaha ay sida ku meel gaarka ah dadkaasi u degeen.
Maatadaa oo ka qaxeen degmada Guriceel iyo tuulooyinka ku hareeraysan waxay xaq u leeyihiin in la ilaaliyaa xuquuqdooda qaxootinnimo, xuquuqdooda maatannimo, iyo weliba xuquuqdooda Soomaalinnimaba.
Waxaa lagama maarmaan ah in dadkaasi lala gaaro kaalmo kasta oo loo heli karo, sida biyo, baad, daawo, lacag, iyo hooyba. Hay’adaha Samafalka oo jooga Nayroobi iyo caasimadaha kale ee adduunka waa in ay sida ugu dhaqso badan ee suuraggalka ah ugu soo gurmadaan caawinta dadkaas, haddii kale waxay u iman doonaan in ay meydadka aasaan. Dadka hantiilayaasha ah ee Soomaaliyeed iyaguna waa in ay jeebkooda u furaan walaalahoodka ku dhibaataysan gobollada dhexe ee dalka.
Dib ayaa loo daabacay..........