
Kismaayo: (Sh. M. Network) Dibax balaaran oo lagu taageerayay ciidamada Xarakada Muijaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Dibadbaxaan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose gaar ahaan fagaaraha beerta Xuriyadda oo Al Shabaab ay ugu magacdareen beerta shareeca oo lagu taageerayay dagaalada Xarakada Al Shabaab ay kula jirto dowladda KMG iyo AMISOM iyo sidii dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaladaasi.
Dibadbaxaan ayaa intii uu soconayay waxaa hakad galay isu socodkii gaadiidka iyo dad waynaha iyo goobaha ganacsiga ee ka jiray magaalada Kismaayo, iyadoo lagu arkayay wadooyinka waa wayn ee magaaladaasi boqolaal dad wayne ah oo dibadbaxaasi dhigayay.
Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka, iyagoo la hadlay dadka maanta dibadaxa sameeyay kuwaasi oo ay ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan dagalada ka soconaya magaalada Muqdisho.
Sheekh Abuukar Cali Aadan oo ah gudoomiyaha Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka oo dadka dibadbaxa dhigayay kula hadlayay fagaaraha Beerta Xuryadda ayaa waxaa uu ugu baaqay in dadka reer Kismaayo ay ka garab istaagaan Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay isu diyaariyaan dagaal ka dhan ah dowladda KMG Soomaaliya.
Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ka dhacay magaalada Kismaayo tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaysa kuwa Midowga AFrika ee AMISOM
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.