Wafdi Ka Socda Dalka Denmark Oo Bosaso Soo Gaarey

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafdi Ka Socda Dalka Denmark Oo Bosaso Soo Gaarey

Post by FBISOMALIA »

Image

Wafdi ka socday Dalka Denmark ayaa maanta soo gaarey magaalada Bosaso ee gobolka Bari waxaana ay kulamo kala gooni gooni ah la qaatay madax ka tirsan Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland gudaha magaalada Boosaaso.

Wafdigaan ayaa isgu jiray xubno ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Denmark,Hay’adda The LIDA,Unicef iyo DRC,waxayna kulamo kala duwan la qaateen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Puntland, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari iyo Degmada Bossaso.

Mas’uuliyiintaasi ayaa kala hadlay Mas’uuliyiintii ka socotay dhanka Dawladda Puntland mashaariic ku aadan dhanka horumarinta, maamul baahinta iyo taageeradda barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Bari gaar ahaana xarunta Gobolka Bari ee Bossaso.

Waxay tilmaameen in ay barakacayaasha iyo dadka dhibaataysan ka taageeri doonaan dhinacayada helitaanka biyo nadiif ah, hagaajinta guryaha Barakacayaasha Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidoo kale barnaamijyo kale oo ku aadan dhinacayad nolosha dadkaasi.

Dhanka kale waftiga ayaa kala hadlay masuuliyiinta ay la kulmeen dadka u dhashay dalka Denmark ee lagu haysto xeebaha Gobolka,waxayna muujiyeen in a ka xun yihiin in siidaynta dadkaasi loo adeegsado xoog taasi oo khatar gelinaysa noloshooda.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen waftiga ayuu sheegay in ay isku afgarteen dhamaan waxyaabahii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa u sheegay xubnihii ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Denmark in dawladda Puntland ay dadaal ugu jirto sida uga haboon ee lagu si dayn karo muwaadiniintooda.

Ujeedada u weyn ee wefdiga ayaa la aaminsanyahay in ay la xiriirto sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda 7 qof uu u dhalatay dalka Denmark kuwaas oo burcadbadeed ay qafaal ugu haystaan xeebaha Bandar-Bayla, waxaana ay fariin soo gaarsiiyeen maamulka, isla markaa waxa ay dersayaan qaabka u fudud ee lagu soo deyn karo lahaystayaashaas.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”