Page 1 of 1

Waftuu horkacayo W.Caafimaadka Puntland imaanaaya Bursaalax

Posted: Sun Mar 13, 2011 4:49 pm
by FBISOMALIA
Gaalkacyo(Puntlandi.com) Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyo Wafti uu horkacayo ayaa bari imaanaya Magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug, Wasiirka iyo Waftiga weheliya oo wasaarada Caafimaadka Puntland ka socda ayaa maalmahaan arimo shaqo u joogey qaybo kamid ah Gobolada Bari iyo Karkaar.

Wasiirka ayaa bari magalada Bursalax ka furaya mashaariic Caafimaad oo laga hirgalinayo degaankaas.

Wariyaha Puntlandi.com ee Gobolka Mudug Cali Ahmed ayaa hada ku sugan magaalada Bursalax, Barina idiin soo gudbin doona sawirada iyo wararka ku saabsan booqashada Wasiirka.