Deegaanka Diif oo ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya, aagga ay ka wadaagaan gobolka Jubbada hoose, una dhow magaalada Dhoobley ayaa degan maanta markii dagaal kii ugu qaraaraa ee soo mara uu shalay gabal dhicii ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Al-Shabaab iyo kooxda la yiraahdo Raaskaambooni.
Dagaalka oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof iyo dhaawac tiro intaas ka badan sida ay goob-joogayaasha xaqiijinayaan ayaa yimid markii dagaalyanada Al-Shabaab ay magaalada soo weerareen, muddo koobanna gacanta ku dhigeen, kana saareen ururka Raaskaambooni oo uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Weerar rogaal celin ah oo lagu soo qaadday Al-Shabaab ayaa Raaskaambooni ay dib u soo ceshadeen deegaanka Diif oo markii horaba ay iyagu ka talinayeen, iminkana kooxdan ayaa heysata.
Dad deegaanka waxay ku waramayaan in meydad fara badan lagu arkay magaalada dhexdooda oo kamid ahaa ciidamadii Al-Shabaab ee duulaanka soo qaadday. Guddoomiye ku xigeenka Raaskaambooni Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi oo BBC-da u waramayey ayaa sheegay in ay jabiyeen wax uu ugu yeeray Takfiirka dhibka ku haya ummadda Soomaaliyeed, casharna tuseen.
Mar la weydiiyey xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda KMG ayuu tilmaamay in ay iska kaashanayaan sidii dalka looga saari lahaa Xarakada Al-Shabaab, waxayna ku soo beegantay xilli ciidamada Raaskaambooni iyo qaar kale oo dowladda taabacsan muddo lagu tababarayey gudaha dalka Kenya. Raaskaambooni waa magaca ururkii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa wadaadka Sheekh Xasan Turki, markii uu Axmed Madoobe uu ka baxay Xisbul-Islaam ayuu ku dhawaaqay kooxdan uu isaga madaxda ka yahay.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... e&sid=6331
Latest from Diif
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 865 Views
-
Last post by ruralboy
-
- 9 Replies
- 884 Views
-
Last post by Shift
-
- 2 Replies
- 30 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 2 Replies
- 12727 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 1 Replies
- 572 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 2 Replies
- 13303 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 531 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 26 Replies
- 1901 Views
-
Last post by Murax
-
- 3 Replies
- 622 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 13 Replies
- 706 Views
-
Last post by ZubeirAwal