Dagaallo Cusub oo ka socda Deegaamada U dhexeeya Ceel-waaq iyo Baardheere
Ceel-waaq: (GMN) Dagaal maanta ka dhacey wadada dheer ee isku xirta Degmooyinka Ceel-waaq iyo Baardheere ayaa warar Hor dhac ah oo haatan ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in la isla sii marayo deegaanka Caasho Cad oo qiyaastii Tuulada Faafaxdhuun u jirta 30 KM.
Dagaalkani ayaa lagu soo waramaya in ay saaka ka qaadeen Ciidamada Dowlada FKG Soomaaliya Degmada Ceel-waaq isla markaana waxaa intii uu dagaalkaasi saaka Socdey Shabaab waxaa lagala wareegay Deegaamada Samaroole, Buusaar iyo Deegaanka Indho Ceel guud ahaana waxaa gacanta ku dhigey Deegaamadaasi Ciidamada Dowlada FKG Soomaaliya iyo Kuwa Ahlu-sunah.
Waxaa jira warar iminka ina soo gaaraya oo sheegaya in ay jiraan gawaari Al-shabaab looga reebtey saaka dagaaladaasi, qasaaruhuna waxaa la filayaa in uu aad u sii kordhi karo saacad waliba maadaama ay goobahaasi dhamaanba Abaarro iyo Biyo la,aan ba,ani ka jirto.
Dagaaladan Gobalka Gedo ka socda ayaa soo billowdey 25 feb waxaa inta badan ay ciidamada Dowladu kula waregeen Degmooyin Dhowr ah iyo Deegaano badan oo ka tirsan Gobalka haatan waxa uu u muuqdaa mid si cusub lugo hor leh ula sii baxaya.
Gedoonlinenews@gmail.com
http://gedoonline.com/?p=18409
Breaking news Ciidanka Elwak capture the road to Bardera
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Breaking news Ciidanka Elwak capture the road to Bardera
Ciidamada Dowlada oo Shabaab ka qabsaday deegaanka Guusaar
CEELWAQ:- Dagaal xoogan oo maanta kadhacay Deegaanka Guusaar oo 40 KM ujira Magaalada Ceel-Waaq ayaa gaystay Qsaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamo katirsan kuwa Dowlada KMG Soomaaliya, waxaana ay ku qaadeen Shabaab oo kusugnaa Deegaaanka lagu dalagaalamay ee Guusaar, halkaas oo ay kawadeen dhaq dhaqaaqyo Ciidanan oo ay kudoonayeen in ay Ceel-Waaq ku weeraraan.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in dagaalka oo mudo saacado ah socday uu sababay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay lawareegaan gacan kuhaynta Deegaanka.
Al-Shabaab ayaa haatan kusugan meel kabaxsan Deegaanka Guusaar ee lagu dagaalamay kadib Markii Magaalada lagala wareegay, waxaana dagaalka uu gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qof kamid ah kuwa Badiyaha Guusaar kusugan ayaa inoo xaqiijiyay dhimashada ilaa Afar kamid ah dhinacyada dagaalamay iyo dhaawac intaas kabadan.
Dhanka Shacabka ayaan lasoo sheegin qasaaraha kasoo gaaray dagaalkii maanta kadhacay Deegaanka Guusaar oo kamid ah Deegaanada udhaxeeya Ceel-Waaq iyo Baaardheere ee Gobolka Gedo.
Sarkaaal uhadlay Dowlada KMG Soomaaliya ayaa isagoo kusugan Deegaanka Guusaar waxaa uu sheegay in ay kusii socdaan deegaanada kale ee ay hadda kusugan yihiin Al-Shabaab.

- Archerr
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1242
- Joined: Fri Feb 25, 2011 2:51 pm
- Location: I think you are standing under me If you don't under-stand me.
Re: Breaking news Ciidanka Elwak capture the road to Bardera
Guusaar? Do they mean Buusaar?
- mudugawi
- SomaliNetizen
- Posts: 697
- Joined: Wed Jun 17, 2009 5:10 pm
- Location: Ras Asir to Ras Kamboni
Re: Breaking news Ciidanka Elwak capture the road to Bardera
lol, i was thinking the same thing. ive heard of Buusaar but not Guusaar. a typo im guessing.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 488 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 0 Replies
- 468 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 5 Replies
- 631 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 436 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 1 Replies
- 369 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 0 Replies
- 350 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 526 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 483 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by CoolPoisons