Ururka sportiga iyo GYSDO oo seeminaar ku laha Cabudwaaq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Ururka sportiga iyo GYSDO oo seeminaar ku laha Cabudwaaq

Post by XimanJaale »

Image


Galgaduud youth Sports and development organization
Ururka horumarinta dhalinyarada iyo Sportiga gobolka galgaduud waa urur loo aas aasay hurumarinta isboortiga iyo dhalinyarada gobolka waxaana uu in badan wax ka qabtay hanaanka hurumarineed ee Sportiga gobolka Galgaduud.

Urukaan waxaa uu ka kooban yahay xubno heer gobol iyo heer degmo ah waxaaana ku midoobay ururo dhalinyaro iyo kuwo Sporti hadafkooduna waa hurumarka dhalinyarada iyo sportiga soomaaliyeed.

Ururkan waxaa uu wada shaqayn la leeyahay guud ahaan ururada bulshada ee ka dhisan Gobolka G/gaduud waxaana aas aastay dhalinyaro qibrad u leh hurumarinta isboortiga & dhalinyarada.

Siminaar looga hadlayo hurumarinta sportiga iyo dhalinyarada ayaa maanta waxaa uu ka furmay hoolka weeyn ee ururka GYSDO ee degmada cabudwaaq ay ku leeyihiin waxaana kasoo qayb galay guud ahaan ciaartooyda kooxaha heerka koowaad ee degmada caabudwaaq.

Waxyaabihii looga hadlay siminaarkaas sportiga waxaa ka mid ahaa sidii loo horumarin lahaa hanaanka sporti ee gobolka galgaduud waxaa kale casharadii maanra loo dhigay ciyaartooyga iyo garsoorayaasha kubada cagta ka mid ahaa sharciyada kubada cagta iyo waxyaaaha looga baahan yahay ciyaartooyga iyo sida uu ula dhaqmayo garsoorayaasha/

Siminaarkaan ayaa maanta ah mid bilaw ah waxaaana uu soconayaa sadex maalmood.

Sidoo kale Galgaduud youth Sports and development organization GYSDO waxaa ay siminaaro sidan oo kale ah ay ay ka bilaabayaan degmooyinka kale ee gobolka markii ay midkaan hada socda soo gabagabeeyaan.
User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Re: Ururka sportiga iyo GYSDO oo seeminaar ku laha Cabudwaaq

Post by LooxJiid »

I love Abudwak and it deserves a reply. Kudos for Amiir XimanJaale :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”