




Waxaa maanta si toos ah u shaqo bilaabey adeegyada shirkadda isgaarsiinta ee Nation Link xarumaha ay hadda ka furatay deegaanada Puntland.
Boqolaal dadweyne ah ayaa saaka soo buux dhaafiyey xarunta ay shirkadda Nation Link ku leedahay magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari.
Shirkadda Nation Link oo Maanta Ka Shaqo Bilowday Puntland
Waxaa maanta si toos ah u shaqo bilaabey adeegyada shirkadda isgaarsiinta ee Nation Link xarumaha ay hadda ka furatay deegaanada Puntland.
Boqolaal dadweyne ah ayaa saaka soo buux dhaafiyey xarunta ay shirkadda Nation Link ku leedahay magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari.
Xarunta shirkadda ayaa laga bilaabay qaybinta kaararka shirkadda iyadoo dadku ahaayeen kuwo qaadanaayey adeegyada shirkadda gaar ahaana kaararka hadalka.
Maareeyaha shirkadda Nation Link qaybta Bossaso Cabdifataax Tahliil Samatar ayaa sheegay in shaqada maanta la bilaabay, hase yeeshee aan weli si rasmi ah xariga looga jarin xarumaha shirkadda ee magaalooyinka Puntland.
Waxa uu intaasi ku daray in ilaa saaka xarumaha shirkadda ee Magaalooyinka Bossaso, Qardho, Garoowe, Gaalkacyo iyo Laascaanood laga qaatay kaarar gaaraaya 56,250 SIM Card.
Sidoo kale waxaa saaka ka hadlay furitaanka adeegyada shirkadda Nation Link Eng. Cabduqaadir Abshir Diini iyo Eng. Anwar Maxamed Abshir waxayna noo sheegeen in ay maanta bilaabeen shaqo ay muddo qorshaynaayeen.
Cabdirisaaq Jaamac oo ah madaxa adeega E-Maal [IIMAAL] oo ah adeeg ku aadan dhanka xawilaadda lacagta oo loo isticmaalo dhanka Mobile-ka ayaa tilmaamay in kol dhow la unki doono adeega E-Maal.
Shirkadda Nation Link oo horay xarumo ugu lahayd gobolada waqooyiga iyo koonfurta ayaa muddooyinkan ku hawlanayd sidii ay xarumo uga furan lahayd deegaanada Puntland.
Shirkaddan kusoo siyaadday shirkadaha isgaarsiinta ka hawlgala deegaanada Puntland ayaa noqonaysa tii saddexaad ee dhanka isgaarsiinta qaabilsan.
Horseed Media