Dhaqdhaqaaqii sida weyn looga baqi jirey ee Alshabaab ayaa cabsidii laga qabay illaahay ka siibey qalbiyada dadka kadib markii la qabjabiyey madaxtaagoodii.
Dhamaan gobolada dalka ayaa dadka degan u shintirinayaan dhamaadka waayaha Shabaabka oo mudo sanooyin ah loo wada afduubnaa. Tani waxay timid markii gobolada dalka oo dhan looga furey dagaalo safmar ah oo illaa hada looga sifeeyey meelo badan oo dalka ka mid ah laguna gaarsiiyey qasaarooyin baaxad leh.
Gobolka Gedo ayaa shabaabka lagu dul jiirsiiyey taangiyo iyagoo ku jira dhufeysyo, halka gobolka Jubbada Hoose baqahooda ay dhaawacyadii iyo meeydadkii saraakiishooda kaga carareen dagaalo culus.
Magaalada Diif waxaa la sheegey in ciidamada Kaambooniyiinta ay dagaalka galeen iyagoo rucleynaya, mid ka mid ah dadkii goobjooga ka ahaa dagaalka ayaa yiri “waligeey ma arkin dagaal orod lagu galayo illaa sagaashankii.” Wixii hada ka horeeyey marka uu askari Shabaabka ah bartiisa la arko ayaa laga sii baqi jirey, laakiin hada dadka magaalooyinka dalka ayaa ku dhiiranaya in ay la doodaan askarta iyo madaxda Shabaabka oo ku yiraahdaan “waqtigiina isagaaba gabaabsi iska ahe, wajiga ha’iska xumeyn.” Tusaale ahaan gudoomiyihii sida weyn looga baqi jirey ee Kismaayo Xassan Yacquub ayaa maalin dhaweyd banaanbax ka dhacay Kismaayo ay dadka ka kala dareereen isaga oo hadlaya, taasina waxay keentey in ciidamada Xisbada ay dadka xoog ku celiyaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Shabaabka uu Shimbirkii ka duuley iyadoo taageerayaashooda dibada ku nool ay lumiyeen sumcadii ay dadka ku dhexlahaayeen iyagoo qaarkood bilaabay in ay dhuumaaleystaan.
Abu Mansur al amriki is dead, may Allah sent him to hell forever
Many shabaabs killed everywhere.
The painful end of khawaarijta is very close.

