Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay u istaagaan hormarinta dalkooda islamarkaasna ay ka qeybqaataan howlaha baaxada leh ee ay dawlada Puntland ku raadinayso dib usoo celinta bilicdii dalka oo ay kujirto kaabista goobaha qabta adeegyada Bulshada ee Muhiimka oo ay Caafimaadku ugu horeeyaan,waxaana uu Wasiirku sheegey in dawlada oo awoodeeda taageero ee dhankasta ay koobnaan karto owgeed shacabka looga baahanyahay inay hormarka dalka ka qeybqaataan.
Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegey in loo baahanyahay in dadka dibada & Dalka gudihiisaba kusugan looga baahanyahay inay u istaagaan in naftooda ay wax u qabtaan oo ay si mutadawacnimo ah ay u qabtaan shaqooyin dalka lagu hormarinayo oo ay u horeeyaan hagaajinta Kaabayaasha Muhiimka u ah Bulshada,wuxuuna sheegey in markii waxkasta ay dadku bilowdaan ay taageero ka heli karaan Dawlada & Hay’adaha Caalamiga ah.
“Waxaa la’idiinka baahanyahay inaad u istaagaantaan hormarinta dalkiina,Inta badan Shaqooyin mahaysaan,Muqaaxiyadaad Shaah la fadhidaan oo ka sheekaynaysaan Siyaasad kuligeen,Taasi maahan wax idiin cuntami kara,Waxaa loo baahanyahay inaad idinku waxqabadka bilowdaan,laakiinse hadii aad wax qabsan weydaan cidna inta cirka Idiinka timaado wax idiin qabanmayso taas marna hasugina,laakiin markii aad wax qabsataan baad dalkana wax u qaban kartaan la’idiina taageeri karaa”Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayey Boqolaal shacabka Beesha Bursalaax ah oo uu shir balaaran kula qaatan isla gudaha Beeshaas oo uu shalay (Isniintii) Kormeer shaqo ku tagay.
Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee dawlada Puntland wuxuu ku celceliyey in barnaamijyo Iskaa Waxqabso ah loo baahanyahay in dalka laga bilaabo islamarkaasna ay dadku iscaawiyaan,wuxuuna baaq gaar ah u diray Qurbajoogta reer Puntland ee Caalamka daafihiisa kusugan in ay usoo jeestaan sidii ay u taageeri lahaayeen dadka gudaha ayna u caawin lahaayeen.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
”hadii aad wax qabsan weydaan cidna cirka idiinka timaado wa
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 397 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 1 Replies
- 378 Views
-
Last post by bashe19
-
- 3 Replies
- 418 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 26 Replies
- 1673 Views
-
Last post by Brobaganda
-
- 1 Replies
- 553 Views
-
Last post by Advo
-
- 4 Replies
- 708 Views
-
Last post by original dervish
-
- 3 Replies
- 463 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 7 Replies
- 620 Views
-
Last post by Faisah