Mujaahidiinta oo la wareegay Diif Axmed murtad ay ka sareen

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Mujaahidiinta oo la wareegay Diif Axmed murtad ay ka sareen

Post by grandpakhalif »

War goordhaw nagasoo gaaray deegaanka Diif ee dhaca Xad beenaadka ay wadaagaan Jubbada Hoose iyo Kenya ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiintu ay la wareegeen Saldhiggii ugu weynaa ee Axmed Madoobe.





Weriye Cabdi Raxmaan Yare oo ku sugan Dhoobley ayaa goordhaw noo xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta galeen Saldhig ay dhawaan hareeraha Diif ka sameysteen maleeshiyaadkii Kenya lagusoo anshax xumeeyay ee daacadda u ahaa Axmed Madoobe.




Guutooyin katirsan Mujaahidiinta oo shalay gelinkii dambe lagu xoojiyay aagga Diif ayaa si kedis ah u dul degay saldhigga Maleeshiyaadka taasi oo sababtay in xalay saqdii dhexe ay guureeyaan maleeshiyaaka Kenya taabacsan.



Qaniimooyin u badan hub iyo saanado dagaal ayaa saaka lagasoo daldalayaa saldhigyada lagala wareegay maleeshiyaadka.





Saraakiisha mujaahidiinta ee Diif gaarey ayaa isugu yeeray shacabka waxaana lafilayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi ka dhacaan Dibad baxyo lagu taageerayo Mujaahidiinta ayna Khudbado ka jeedin doonaan mas'uuliyiinta wilaayada Jubbooyinka.


Isgaarsiintii Diif ayaa dib usoo laabatay waxaana fashil kusoo dhamaaday isku day duulaan ah oo lagu doonayey in lagu arbusho ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Jubbooyinka ka hana qaaday.



Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegtay mas'uuliyadda madaafiic lagu garaacay xaafado shacabku deganyihiin oo Dhoobley ku yaal arrinkaasi oo sababay in shacabku hubka u qaataan sidii ay u Eryi lahaayeen shareeca diidyada Kenya soo abaabushay.



:clap: :clap: :clap: :clap:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”