Ogaden hearing:EU on the verge of cutting Woyane funding

User avatar
Hard-Rock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1419
Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
Location: Azania state of Somalia

Ogaden hearing:EU on the verge of cutting Woyane funding

Post by Hard-Rock »

Khamiis/11/Rabic Al-Th/17/Mar:Maalintii isniinta 14ka bishan Maarso waxaa laqu qabtay xarunta baarlamaanka Yurub ee Brussels dhageeysi ku saabsan halka eey marto dhaqaalaha tirada badan ee MY siiyo dowlada gumeeysiga itoobiya. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay gudi hoosaadka baarlaamka u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa waxaa shir gudoominayay ninka lagu magacaabo MR. Deva oo ah madaxweeyne ku xigeenka gudiga gargaarka ayaa shirka ku furay hadalo aay ka mid ahaayeen : MY lagac fara badan ayuu itoobiya galiyaa wax natiijo ahna kama soo baxdo. Xaq ayeey u leeyihiin canshuur bixiyayaasha Yurub in eey ogaadaan halka dhaqaalihii eey bixiyeen lala aaday. Wadan dadka lagu xaquuso sida itoobiya oo kale waa in eynu hubinaa in dhaqaalahayaga marnaba aan loo isticmaalin xasuuq.

Ben Lawrence oo Human Rights Watch (HRW) ka socday ayaa hadalkii qaatay faahfaahin dheeraad ahna ka bixiyay hab dhismeedka dowlada macangaga ah ee itoobiya iyo sida dhaqaalaha MY loogu isticmaalo saxuuqa shacabka. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuuu sheegay in HRW reporkii eey soo saartay uu ahaa hordhac loona baahan yahay in halkaa laga ambaqaado. Hadii MY uu doonayo cadeeymo intan ka badan waxaa si shuruud la’aan ah loogu baahan yahay in dowlada itoobiya ka qaado ururkayaga xayiraada naloona ogolaado inaga iyo heeyadaha kale ee caalamiga ahba in si xor ah aan ku tagi karno goobaha dhibaatooyinka sida ba’an looga geeystay.

Marwo Anna Gomes ayaa iyaduna carabaabtay in dhibaatooyinka uu Zenawi geeystay yihiin marag ma doonto hadii aanan la is indha tireeynin xustayna diidmada itoobiya ee waqtigan in la gargaaro kumanaanka kun ee ku tabaaleeysan Ogaadeenya intan kaliya ayaa ku filan in dhibka taliska itoobiya geeysanayo uu yahay mid qatar ah ayeey tiri.


Safiirkii hore ee EUda ee Itoobiya ayaa isna sheegay in habka doodu u socoto tahay mid isaga farxad galisay MYna hada uu doonayo in dhibka itoobiya geeysaneeyso wax laga qabto iyada oo aan la naas nuujineeyn isla markaana uu diyaar u yahay in gudiga baaritaanka uu ku kordhiyo waayo aragnimadiisa iyo ka marqaati kaca tacadiyadii uu isagu goob jooga u ahaa.

Labada nin Thomas Von Handel iyo Jean-Marie Korparaal oo ka socday laanta EUda ee dhaqaalaha bixisay ayaa waji gabax goobta kula kulmay kolkii eey sharixi kari waayeey halkii la mariyay dhaqaalaha xad dhaafka ah ka dibna shir gudoonka uu ku armay in kolka labaad ee la isu soo noqdo la yimaadaan wixii lagu qabtay dhaqaalahii la bixiyay is la markaana si cad u sheegaan inta iskuul, jaamacad, beero, wado, isbitaal, ceelal biyo iwm ee la hirgaliyay iyo gobolada laga hirgaliyay iyo sidoo kale cidii maareeysay mashaariicda.

Safaarada itoobiya nin ka socday oo laga codsaday in eedeeymaha goobta laga soo jeediyay ka jawaabo ayaa daqiiqadihiisa ku dhameeystay in HRW uu ku tilmaamo in dano siyaasadeed ka leedahay itoobiya warbixinteeduna dhinac u xaglineeyso. Mr Lawrence ayaa ugu jawaabay marka HRW warbixin ka soo saarto wadamo kale sida Eretrea oo kale itoobiya weey u bogtaa kolkase iyaga hab dhaqan xumadooda tooshka lagu iftiimiyo waxeey ku agwareegto hadal wadkii galay.

Heeyadaha kala duwan ee jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee Yurub ayaa iyaguna wufuud culus goobta u dirtay iyaga oo kol hore sii maalay xiriirarada eey la leeyihiin heeyadaha iyo doowladaha caalamka. Dhageeysiga oo ka dhacay fadhiga baarlamaan Midowga Yurub ayaa lagu kordhiday in la qabto dhageeysi kale oo hor leh arimaha oo xasaasi ah darteed iyo xubmaha baarlamaanka oo aaminsan in dhaqiilihii itoobiya lagu bixiyay uu ahaa hal bacaad lagu lisay loona baahan yahay in dib looga fiirsado in arintan oo kale aanay dhicin. Dhinaca kale dowlada gumeeysiga itoobiya ayaa laga sugayaa jawaabaha su’aalihii goobta lagu weeydiiyay oo sida muuqata aanay u heeyn wax jawaab ah midan oo caro galisay xubno tira badan oo baarlamaanka ka tirsan

waxaan u mahad celinaynaa shaksiyaadkii reer Ogadeniya ee na soo gaadhsiiyay

warbixintan iyo sawirda ku lifaaqan oo ahaa kuwo fara badan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Ogaden hearing:EU on the verge of cutting Woyane funding

Post by Faranacab »

Hard-Rock wrote: Safaarada itoobiya nin ka socday oo laga codsaday in eedeeymaha goobta laga soo jeediyay ka jawaabo ayaa daqiiqadihiisa ku dhameeystay in HRW uu ku tilmaamo in dano siyaasadeed ka leedahay itoobiya warbixinteeduna dhinac u xaglineeyso. Mr Lawrence ayaa ugu jawaabay marka HRW warbixin ka soo saarto wadamo kale sida Eretrea oo kale itoobiya weey u bogtaa kolkase iyaga hab dhaqan xumadooda tooshka lagu iftiimiyo waxeey ku agwareegto hadal wadkii galay.

:lol: :lol: :lol:

TPLF rag baa helay ......
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”