Dr. Axmad Sheekh oo ka soo baxsaday dabinkii Meles Zinawi
Waxaa xalay soo gaaray magaalada Nairobi dad uu ka mid yahay Dr. Axmad Sheehk Muxumad oo inbadan soo ahaa madaxa xafiiska cilmi baadhista ee maamulka maqaarsaarka ee Jigjiga isagoo ka soo baxsaday gumaysiga Itoobiya. Axmad sheekh waxaa uu in badan fadhiyay xafiiskan lagu magacaabo cilmi baadhista ee maamulka Jigjiga wuxuuna katirsanaa gudiga fulinta iyo galaha dhaxe ee xisbi ku sheega maamulka kililka ee Cabdi ilay uu madaxda ka yahay.
Arintan waxay ka dambaysay ka dib markii uu Cabdi ilay ka xanyuubay Dr. Axmad sheikh isagoo fulinaya amarka KT Zinawi dhamaan masuuliyadihii uu u hayay gumaysiga. Waxaa ku socotay Dr. Axmad in xabsiga la dhigo oo waliba aan dib dambe loo arag maadaama loo arkayay inuu yahay shaqsi nidaamka khatar ku ah.
Tan iyo waayo hore waxaa lagu sheegi jiray Axmad Sheekh inuu yahay shakhsiyaadka gacan yarayaasha gumaysiga ee la sheegay in aanay ka qayb qaadanin xasuuqa shacbiga taasoo sababtay in tartankii uu mudada dheer ugu jiray horjoognimada Jigjiga inuu kaligii taliye Meles Zinawi udiido isagoo Zanawi uu u cuskaday fogayntiisa Dr. Axmad siyaasadiisa Ogaadeeniya ee ku aadan inuusan qof xasuuqa shacabka aan ka qayb qaadan horjooge ka noqonin Jigjiga.
Dr. Axmad sheekh waxaa uu ku guul daraystay xiliyadii Lugbuur, Daauud axmaar iyo Ina ilayba rabitaankiisii ahaa inuu mar un horjooge kanaqdo Jigjiga. Waxaa la soo sheegayaa inuu ka jiro gumaysiga itoobiya dhexdiisa khalkhal iyo kala shaki guud iyadoo islamar-kaana uu dhig yacab Zanawi weerar adag ku hayo sarakiisha iyo madaxda uu ku tuhmayo inay xidhiidh fiican la leeyihiin shucuubta. Axmad sheekh ayaa ka mid ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay raga ay calaamadu u saarantahay Zinawi.
Tobaadkii hore ayay maleeshiyada Hawaarinta ee Cabdi ilay uu hor kacayo ay gurigiisa ku weerareen Axmad sheikh hase yeeshee uu weerarkaas ka badbaaday ka dibna uu si dhuumaal ah Jigjiga uga baxsaday. Weerarka lagu soo qaaday Axmad sheekh oo la doonayay in ama lagaga takhaluso ama god dheer lagu rido ayaa waxaa uu imanayaa xili uu Kt Zanaawi ka cabsiqabo cidkastoo uu isleeyahay wuxuu gudbin karaa macluumad xagga xaquul insaanka ah.
Waxaa la filayaa inuu saxaafadda warbixin dheer uu siiyo Dr. Axmad isagoo xog-ogaal u ah dhamaan gaboodfalada ka dhacaya Ogadenya ee lagu gumaadayo shacabka Somalida Ogadenya.
Sikastaba ha ahaatee mawduuca ragan soo baxsaday waxay ka dambaysay iyadoo ugaadhsi guud uu dhamaan deegaano ku sheega gumaysiga ka soconaya, gaar ahaan Oromia oo 120 saraakisha deegaanka ka mid ah jeelasha loo taxaabay oo noqonaya kala badh golihii wasiiro ku sheega Oromia.
ONA.
Dr. Axmad Sheekh oo ka soo baxsaday dabinkii Meles Zinawi
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Dr. Axmad Sheekh oo ka soo baxsaday dabinkii Meles Zinawi
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Dr. Axmad Sheekh oo ka soo baxsaday dabinkii Meles Zinaw
War naftiisa umbuu laso cararay e, waa dabaqoodhi xun.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 358 Views
-
Last post by STREET_SWEEPERR
-
- 0 Replies
- 454 Views
-
Last post by COSTA
-
- 21 Replies
- 1968 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 1 Replies
- 974 Views
-
Last post by Nubis
-
- 1 Replies
- 604 Views
-
Last post by Colonel
-
- 0 Replies
- 620 Views
-
Last post by bashe19
-
- 5 Replies
- 1291 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 813 Views
-
Last post by vinshom
-
- 6 Replies
- 1439 Views
-
Last post by Addoow
-
- 1 Replies
- 855 Views
-
Last post by ToughGong