
Maamulka degmada Bossaso ayaa maanta dhagax dhigay Saylad lagu iibin doono xoolaha taasi oo laga furay meel aan wax badan ka fogayn dhismaha Kawaanka weyn.

Guddoomiyaha degmada Bossaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo maanta dhagax dhigay dhismaha Suuqan xoolaha lagu iibin doona ayaa hadal kooban oo uu saxaafadda siiyey ku sheegay in Sayladdan lagu iibin doono xoolaha isla markaana loo soo dhoweeyey Kawaanka cusub ee xoolaha lagu qali doono.
Waxa uu intaasi ku daray in dhulka laga dhigi doono ay ku deeqeen ganacsatada shirkadda hilibka Puntland ee maanta lagu wareejiyey dhismaha Kawaanka cusub ee Bossaso laga furay.
Sayladda maanta la dhagax dhigay ayaa bedelli doonta kuwii hore oo la damacsan yahay in laga guuro maadaama ay magaaladu gaartay, iyadoo ay dhib noqotay in xoolaha la geeyo.
Suuqaan cusub ayaa lagu xarayn doonaa xoolaha lagu qali doono Kawaanka cusub ee maanta xariga laga jaray, waxaana qayb ka noqon doona sida uu Duqa degmadu sheegay meelo lagu xanaaneeyo xoolaha iyo goobo lagu daweeyo inta aan la qalin.
Horseed Media