Page 1 of 1

Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Thu Mar 17, 2011 4:55 pm
by LooxJiid
Mas'uuliyiin katirsan mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Diif ee dhaca xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhawaan dagaallo ka dheceen.





Iskusoo baxay lagu taageerayay guulaha Mujaahidiinta ay ka gaareen dagaalkii ay lagaleen Maleeshiyaadka Kenya lagusoo anshax xumeeyay ayaa maanta ka dhacay deegaankaasi.



Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo katirsan saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin iyo Sheekh Abuu Sacda ayaa shacabka kula hadlay fagaare Diif katirsan wuxuuna ugu baaqay in ay isdejiyaan oo ay isku diyaariyaan sidii ay ugu dhaqmi lahaayeen shareecada Islaamka.



Sheekh Dulyadeyn ayaa ku dheeraaday ka hadalka shirqoolka uu Axmed Madoobe la damcay ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayada Jubbooyinka balse Alle fashiliyay arrinkaasi.



Mas'uuliyiinta lahadlay shacabka Diif ayaa meesha ka saarey beentii uu Axmed Madoobe u sheegi jiray Shacabka oo ahaa in qabiil gooni ah lala dagaalamayo.



Qaar katirsan Odayaasha dhaqanka Diif oo iyana ka hadlay iskusoo baxa ayaa balan qaaday in ay la shaqeynayaan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.



Dibad baxan lagusoo dhaweynayay guulaha Mujaahidinta ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Mujaahidiinta shalay gudaha u galeen Diif kadib markii la eryay Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe.

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Thu Mar 17, 2011 8:44 pm
by grandpakhalif
Mashalle

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Thu Mar 17, 2011 11:13 pm
by ruralboy
Dulyadeyn yuusan cararin week ka dib when Marehan lions show up in the scene.

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Fri Mar 18, 2011 12:00 am
by new-york24
Diif aar baa soo galay,ma meel aar so galaa fadhi yaal :lol:

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Fri Mar 18, 2011 6:25 am
by ruralboy
Aar diif hadda ma geline, wacade hadduu u socdaa. Bal aan dhawrno. :clap:

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Fri Mar 18, 2011 8:09 pm
by new-york24
ruralboy wrote:Aar diif hadda ma geline, wacade hadduu u socdaa. Bal aan dhawrno. :clap:

Dhurwaaga dollow ka soo ciyaya waan maqalnaa,aarki dollow ka ridayna caawa geed quracoo diif ku yaal ayuu hoos jiifaa :up:

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Fri Mar 18, 2011 8:51 pm
by ruralboy
new-york24 wrote:
ruralboy wrote:Aar diif hadda ma geline, wacade hadduu u socdaa. Bal aan dhawrno. :clap:

Dhurwaaga dollow ka soo ciyaya waan maqalnaa,aarki dollow ka ridayna caawa geed quracoo diif ku yaal ayuu hoos jiifaa :up:
Fardo laysu hayo laysuma faansho. Waa inoo bartaan lafteeda. Adigu ha dhuuman.

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Fri Mar 18, 2011 8:56 pm
by new-york24
Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkii

Re: Diif oo aysan Diifi ka Jirin

Posted: Sat Mar 19, 2011 1:02 am
by ruralboy
8-)