Marwadda koowaad ee Somaliland oo Xadhiga Ka jartay Cusbitaalka Guud iyo Dugsiga Sare ee Gabiley, Seddex jid oo Laami ah oo maanta la dhagax Dhigay.
Gabiley (GNS)-Munaasabad Balaadhan oo Xadhiga laga jaray Cusbitaalka Guud ee Gabiley ayaa Saaka lagu qabtay Barxadda Cusbitaalka Cusub ee Gobolka Gabiley,
Munasaabaddan oo ay ka soo qayb galeen Marwada koowaad ee Maxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamed Jirde,Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/lahi Cumar, Wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda C/laahi Jaamac Cismaan (Geel jire), Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diriye, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda General Faysal kaamil Ciise, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe,Maamulka Gobolka iyo Degmadda Gabiley, Gudida Horumarinta Gobolka, Madaxda Shiraddaha Wadaniga ah, Ururadda Bulshadda, Xubno ka socday hayadda Madaxa banaan, Salaadiin, Cuqaal, Ardayda Dugsiyadda iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Munaasabaddan oo Xadhiga laga jaray Cusbitaalka Guud ee Gobolka Gabiley oo muddo sideed sanno ah uu socday dhismihiisu iyo laba Mashruuc oo dawladda hoose ee Gabiley ka hirgalisay Gabiley kuwaasi oo kala ahaa afar Fasal oo lagu kordhiyay Dugsiga Sare ee Gabiley iyo Seddex jid oo laami ah oo Maanta la dhagax dhigay.
Marwadda koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris oo hadal kooban halkaasi ka jeedisay ayaa mahadnaq u soo jeedisay Dadwaynaha ku dhaqan gobolka gaar ahaana Haweenka Gabiley oo ay sheegtay inay hormood u yihiin haweenka Somaliland marwadda oo dareen farxadeed u muujisay dadka reer gabiley ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladeeda“Sharaf gaar ah iyo kalgacal gaar ah ayaan Gabiley u hayaa, sababtoo ay tahay waa meel marka aan imaado la iila dhaqmo sidii gabadh gurigoodii ku soo noqotay, hadaad I tabteen oo aan cagta idinku badin waayay dee waxaa la odhonayaa haddana gabadhii miyay timi, markaa aad iyo aad ayaan idiinku mahadnaqayaa, intaa waxaan raacinayaa Mashruucan maanta aynu ugu wanqalnay cusbitaalka Gabiley anigu aamina Ahaan $2,000 iyo Toban neef oo bukhaanka iyo shaqaalaha loo qalo loo qalo ayaan ugu deeqay” ayay tidhi Marwo Aamina Waris
http://farm6.static.flickr.com/5012/553 ... 17083c.jpg
Marwadda koowaad ee Somaliland ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay Deeq Raashi ah u sido Xarunta Agoomaha Gabiley oo ay xustay inay Masuuliyad gaar ahi ka saarantahay Daryeelka Agoomaha, waxa kale oo ay sheegtay inay toban neef oo adhiya oo caruurta loo qalo, waxay intasi ku dartay qurba jooga ingiriiska oo ay hormood uyihiin dumarka reer Somaliland gaar ahaan ku reer gabiley ayaa saado Cabdi kooshin ugu soo dhiibay Agoomaha Gabiley $850 oo ay ku caawiyeen Caruurta Agoomaha Gabiley.
Isu duwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley Dr.Axmed ismaaciil Nuur iyo Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley ayaa ka Warbixyay Xaaladda Caafimaad ee Gobolka Gabiley iyo kaalinta uu ka qaadan karo Cusbitaalkan Cusub ee maanta xadhiga laga jaray, waxa kale oo ay si guud uga warameen marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Cusbitalkani soo maray iyo baahiyaha aasaasiga ah ee uu ubaahanyahay wakhtigan oo ay ugu horayso in laga shaqaysiiyo X-ray ga way nee ay keeneen ururka Gardo oo fuyuus ka gubtay, mishiin laydh oo dhakhtarku u baahanyahay iyo Gaadhiga Adeega Degdega ah ( ambulance)oo lagu qaado dadka ku dhaawacma shilalka baabaaburta inta u dhaxaysa jidka dheer ee borama iyo hargeisa illaa wajaale isku xidha oo uu sheegeen in todobaadkii laba shil ka dhacaan halkaasi, waxaanay hoosta ka xariiqeen in baahiyaha cusbitaalka maanta kaw yahay oo looga baahanyahay bulshadda reer somaliland sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Adeegyadda Aasaasiga ah.
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq usoo jeediyay Qurbajooga reer Somaliland, ururka Gardo iyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta Mashruuca dhismaha Cusbitaalka Gabiley, wasiirku waxa uu ka si guud uga waramay Qorshaha Xukuumadda ee Aadan Waxqabadka horumarka dalka isaga oo xusay in todobadii bilood ee ay xukuumadda Cusub jirtay waxbadan u qabsoomeen oo boqolkiiba boqol loo kordhiyay mushaharka Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada.
Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo iyana madashaasi ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladeedii“Dawladeenu mudo kooban ayay jirtay waxaanay ku heelantahay in balan qaadyadii kulmiye la fuliyo, markaan dib ugu soo noqdo adeega caafimaad ee Dalka runtii adeeg wuu jiray laakiin adeeg tayo leh ugumaynaan iman, wasaarada caafimaadku waxay ku hawlantahay sid ii ay utayayn lahayd adeega caafimaad ee Dalka, hay’ado badan ayaa jira oo yidhaa caafimaadka ayaanu ka shaqaynaa runtii may jirin wakhtigii hore cid la xisaabtanta hayadahaasi, imika waxaanu bilawnay qorshe aanu haydaha ugu qaybinayno goboladda iyo Degmooyinka Dalka, caafimaadeenkeenu wakhtigii hore seddex marxaladood ayuu mari jiray oo wax cusbitaalo dagmo ahi may jirin, wuxuu ahaa Community basic oo qof inta dawo lagu raro aan wax mushahar ah la siinin, waad garan kartaan duruufaha dalka ka jira, xanaanooyinkeenu may xooganayn waxaana ku xigay uun cusbitaaladda imika waxaanu qorshaynay inaanu u kala saarno Afar marxaladood MCH-kii oo tayaysan, oo leh umulihii oo bukaan socodkii lagu daawaynayo, Goob caafimaad,cusbitaaladda heer dagmo iyo heer gobol” ayay tidhi Nimco Xuseen Qawdhan
Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda C/laahi jaamac Cismaan (Geel jire) oo iyugana mashadashaasi hadallo ka soo jeediyay ayaa si wayn uga mahad celiyay dadwaynaha Gabiley sidii qiimaha lahayd ee loogu soo dhaweeyay Gobolka iyaga oo ku Amaana dadka reer Gabiley kaalintii ay ku lahaayeen Halgankii Xisbiga kulmiye ku Hantay Hogaanka Talladda Dalka Somaliland iyo halganadii ka horeeyay oo Gabiley Taariikh wayn ku leedahay.
Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh, Maayarka Degmadda Gabiley Aadan Muxumed Badde ayaa uga mahadceliyay Marti sharaftii qiimaha lahayd ee kala soo qayb gashay furitaanka Mashaariicdaa horumarka leh ee Gabiley laga hirgaliyay.
Waa markii ugu horaysa ee Xukuumadda Somaliland hal mar Xadhiga ka wada jarto Cusbitaalka Guud ee Gabiley, Qayb ka mid ah Dugsiga Sare ee Qalax, iyo Seddex jid oo Cusub oo iyana Maanta la dhagax dhigay.
Marwadda madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamed Jirde iyo Wasiiradda Wasaraadaha Arimaha Dibadda, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Kaluumaysiga ayaa Maanta Dhagax dhigay Seddex jid oo dhex mara Suuqyadda Magaaldda Gabiley iyo Dugsiga Sarre ee Qalax kuwaasi oo ay Dawladda hoose ee Gabiley dhismihiisa bishan bilaabi doonaan.
Waxaa iyagu Deeqo lacageed oo kala duwan ugu baaqay inay kaga qayb qaadanayaa Furitaanka Cusbitaalka Gabiley, Shirkadd Telesom oo $2,000, Dr.Axmed Cali Sangub oo isaguna ugu Deeqay $500, Xildhibaan ibraahin Axmed haybe, $200, Khadra Cabdi Habane oo iyana ugu deeqday $300, Aadan Maxamed x.aadan ayaa isna ugu deeqay $100.
Dhinaca kale Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris iyo Waftiga ay hogaaminayso ayaa Deeq Raashin iyo toban neef oo adhiya soo gaadhsiisay Agoomaha, waxa kale oo ay marwadu soo gaadhsiisay agoomaha Gabiley deeq lacag ah oo qadarkeedu yahay $1850 dollar iyo 20 gini oo ay ugu deeqeen haweenka qurbajooga reer Somaliland ee Dalka ingiriis, waana markii labaad ee Marwo Aamina Waris ka qayb qaadato Caawimadda Xarunta Agoomaha Gabiley, ugu Danbayntiina waftiga Wasiiradda iyo Masuuliyiinta kale oo aad ufarabadnaa waxaa Hadhimo sharafeed loogu sameeyay Hotelka Dalxiis ee Magaaladda Arabsiya.
Mustafe Future
Gabiley News Reporter
mccfuture@hotmail.com
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 2011-03-17
Marwadda koowaad ee Somaliland oo Xadhiga Ka jartay Cusbitaa
Moderator: Moderators
- Corruption1
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1297
- Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
- Location: London
Marwadda koowaad ee Somaliland oo Xadhiga Ka jartay Cusbitaa
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Marwadda koowaad ee Somaliland oo Xadhiga Ka jartay Cusb
reer bariga kudayo reer galbeedka
aad bay u horumareen




-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 485 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 4 Replies
- 607 Views
-
Last post by original dervish
-
- 10 Replies
- 487 Views
-
Last post by knet
-
- 9 Replies
- 546 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 1 Replies
- 277 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 7 Replies
- 639 Views
-
Last post by samatar133
-
- 0 Replies
- 145 Views
-
Last post by ahmad guray
-
- 1 Replies
- 194 Views
-
Last post by ahmad guray
-
- 2 Replies
- 249 Views
-
Last post by Abdi-Samatar