Why does Puntland call Dhahar Hayland?

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

mashallahbro
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 685
Joined: Fri Feb 25, 2011 9:30 pm
Location: Sultan from Upstate Hadaaftimo with that Oil Paper........BALLINNNNnNN

Why does Puntland call Dhahar Hayland?

Post by mashallahbro »

ASAK brothers and sister is Hayland a new region of Sanaag?


Hayland waa gobol hodon ah hadii maamul loo sameeyo

Gobolka Hayland hadii laga hirgaliyo maamul ku dhisan wada tashi iyo tanaasul ay isu sameeyaan beelaha walaalaha ah oo wada degan gobolku , wuxuu noqon doonaa Gobol isku filan oo ka faaiidaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah oo uu ku caan baxay lana ogyahay in uu leeyahay macdan iyo shidaalba.



Macdanta Buuraha Cal madow,ceelka shidaalka ee Buraan, Beeraha iyo kaluumaysiga bada cas waxay sugayaan dhamaantood faaiidaysigooda maamul tayo leh oo laga hirgaliyo Hayland kaas oo suga amaanka degaanada laga soo saarayo khayraadka lagu horumarinayo dadka iyo degaanka oo maanta ay tahay xiligii ugu fiicnaa hadii loo sameeyo Hayland Gole degaan iyo gudoomiye gobol oo ah kuwo lagu doorto aqoon iyo fir fircooni iyo isku xirka bulshada Maakhir iyo tan Puntland guud ahaanba.



Gobolkan oo horay loo bililiqaystay khayradkiisa xiligii kacaanka ayaa ahaan jiray mid aan haba yaraatee shilin gadaal loogu soo celin jirini lacagtii khayraadkiisii caalamka loogu gaday, waana tan keentay in Magaalooyinkii Dhalan iyo Majayahan oo shirkadaha ajnabigu ku sugnaayeen si ay uga soo saaraan macdan in aan laga dhisin magaalooyinkaas xiligii kacaanka Dugsi,Cisbitaal iyo wadooyinba ,hase ahaatee maanta waa ka duwanaan doontaa haduu gobolku hirgalo xiliyadii todobaataneeyadii sababtoo ah Shirkadaha yimaada maanta waxa maanta miiska kula gor gortami doona dad degaanka u dhashay,maamulka sare oo dawlada waxa ku jira rag degaanka u dhashay, waxa kale oo jira gole degaan oo ku hadlaya magaca Bulshada oo iyagu leh codka ugu danbeeya.kan loo yaqaan veto .



Ugu danbayntii Gobolka Hayland oo ay magcawday dawlada Puntland xiligii uu madaxweyne ka ahaa Puntland Cade Muuse ayaa ilaa hada cadayn xuduudihiisu iyada oo xildhibaanada degaanka qaarkood sheegeen in Dhahar oo laga xukumo ay shuruud ku xireen loona saxiixay heshiiskaa hase ahaatee waxaan cadayn cida goonida u leh Hayland oo heshiiskan u saxiixday arimahan noocan oo kalena waxay kuu cadaynaysaa in qaar badan oo ka mid ah Bulshada Dhahar,Buraan iyo Xingalool ayna wali diyaar u ahayn Gobol ka hirgala degaanka,nasiib wanaag waxa maanta badan inta doonaysa maamul iyo kala danabayn ogna in warqad laga soo saxiixo Hargaysa iyo Garoowe aan maamul lagu dhisi karin hase ahaatee maamulka wanaagsan uu ku yimaado rabitaanka Bulshada ku nool degaanka iyo doorashada qofka magacooda ku hadlaya ama metelaya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”