Page 1 of 1

Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug Oo Yeelatay Saldhig Police

Posted: Fri Mar 18, 2011 8:42 pm
by FBISOMALIA
Saldhigaan oo ka kooban labo qol,baraag,suuli iyo dayr weyn ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashaday maamulka degmada iyo dadka kunool degmada Xarfo.

Guddoomiyaha degmada Xarfo Cabdillaahi Faarax Bayle “Tikrooni” oo la hadlaayey Horseed Media ayaa ku tilmaamay saldhigaan cusub himilo kamid ah himilooyinkii dadka ku dhaqan deegaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weli aysan fari ka qodnayn sidii saldhigu hawlihiisa caadiga ah ku bilaabi lahaa balse loo baahan yahay qalabkii lagu shaqayn lahaa,wuxuu sheegaya in maamulkiisuna dedaal dheeri ah ku bixinaayo sidii loo heli lahaa qalab dhamaystiran oo u yeesho saldhigu.

Dhanka kale maamulka ayaa dhawaan soo bandhigay buug ka hadlaaya waxqabadkii wixii u qabsoomay mudadii lixda bilood ahayd ee tagtay iyo caqabadihii soo wajahay.

Si kastaba ha ahaatee maamulka iminka ka arimiya degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa si weyn loogu xasuustaa wadadii jayga ahayd iyo buundadii uu ka hirgeliyey inta isku xirta Xarfo iyo deegaanka Beer isagoo kaashanaya dadweynaha kunool deegaanadaasi.