some of somalia citizen back from yeman

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

some of somalia citizen back from yeman

Post by FBISOMALIA »

Image

Dekedda magaalada Bossaso ayaa waxaa maanta kasoo degay 61-qof oo kasoo noqday dalka Yemen oo ay muddooyinka mudaharaaddo rabshada wataa ka jireen.

Dadkan oo kamid ahaa Soomaalida muddada ku noolayd dalka Yemen ayaa sheegay in ay kasoo carareen dhibaatooyinka ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay Soomaalida qaxooti ahaanta u jooga dalkaasi.

Abuukar Cabdicasiis Cismaan oo kamid ahaa dadkaasi dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in dhibaatooyin badani ku haystaan dalka Yemen dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi.

Image

Waxa uu intaasi ku daray in shacabka Yemen ay dadka Soomaalida ah ku eedeeyeen in ay qayb ka yihiin dadka dhibaatada ka wada dalka, taasina ay keentay in Soomaalida Yemen uu cadaadis xooggan uga yimaada dhanka shacabka ay la noolaayeen.

“Waxaan uga soo cararnay dalka Yemen dhibaatooyin ay kamid yihiin nolol xumo, amni darro, xorriyad la’aan, caburin, khal khalgelin siyaasadeed oo dalka ka bilowday iyo kuwo kale oo badan”, sidaasi ayaa waxaa yiri Abuukar Cabdicasiis Cismaan oo kamid ahaa dadka kasoo laabtay dalka Yemen.

Image
Maxamuud Jaamac Muuse oo ka socday hay’adda MRC oo aan kula kulanay gudaha dekedda ayaa waxa uu sheegay in dadka Bossaso soo gaaray ilaa 25-tii Janaury ay yihiin 255 oo qof.

Waxa uu intaasi ku daray in hay’adda MRC ay dadkaasi ka caawiso soo dhoweynta iyo u qaybinta cuntada fudud, biyaha iyo dawooyin la siiyo inta kusoo xanuusata safarka badda.

Dadkan ayaa inta badan dhinac ka gala magaalada iyada oo aanay jirin cid si toos ah u gacan qabata marka laga reebo qaar ay ehelkooda magaalada joogaan.

Wixii ka dambeeyey bilowgii rabshadaha dalka Yemen waxaa is isdaba joog ah usoo qul qulaayey dadka kasoo guuraaya dalka Yemen ee dib ugu soo noqonaaya gudaha Puntland kuwaasi oo qaarkood ay uga sii gudbaan dalka intiisa kale.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”