
March 19, 2011 Buuhoodle (Cadceed)- Taliyihii hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee xiligii Madaxweyne Rayaale, Mr. Abokor Sulub Axmed, ayaa habeen hore loo magacaabay Hoggaanka Maleeshiyada iyo Tababaradda ee Kooxda SSC ee fadhigoodu yahay magaalada Buuhoodle..
Shir Kooxdani ay ku yeesheen magaalada Buuhoodle ayay ku go’aamiyeen in sarkaalkaasi loo magacaabo Hoggaanka tababaradda ee Maleeshiyadda SSC -da.
Waxay ahayd mudo imika laga joogo laba bilood markii uu Abokor Sulub beeniyay inuu ku biiray Kooxda SSC
Dhinaca kale, Magaalada Buuhoodle ayay ka jirtaa biyo la’aan ba’an oo saamaysay dadweynaha ku dhaqan gudaha magaalada iyo hareeraheedaba waxaana qiimaha foostada biyaha ahi ay gaadhay 4 dollar.
Khadar M Samatar
Warqabadka Cadceed
Hargeysa Office