Waxgaradka Gobolka Cayn oo Bayaan Kasoo Saaray Buuhoodle.

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Waxgaradka Gobolka Cayn oo Bayaan Kasoo Saaray Buuhoodle.

Post by FBISOMALIA »

Waxgaradka gobolka Cayn ayaa magaalada Buuhoodle kasoo saaray bayaan ka kooban lix qodob, kaasi oo ku aadan maamulka Somaliland iyo beelaha gobolkaasi.

Bayaan ay soo saareen sagaal kamid ah Isimada sida weyn looga yaqaan gobolka ayaa waxaa lagu faah faahiyey qodobada oo saddex kamid ah ay ku wajahan yihiin maamulka Somaliland, halka saddexda kalena ay ku aadan yihiin dadka gobolka.

Qodobada bayaanka.

1. In uusan jirin wax wada hadal nabadeed ah oo ay beeshu la gelayso maamulka Somaliland, inta Ciidamada Somaliland kusugan yihiin gobolka.

2. In shirkii Burco ka dhacay sanadkii 1991-dii uu ahaa mid nabadeed ee uusan ahayn mid siyaasadeed ama beeshu arrimo siyaasadeed ula jeeday.

3. In Ciidamada Somaliland si deg deg ah looga saaro gobolka Cayn oo qaybo kamid ah iminka kusugan yihiin.

4. In dadka gobolku u midoobaan sidii Ciidamada Somaliland xoog loogu saari lahaa haddii aan gobolka laga saarin ama ay baaqa Isimada dhegaha ka furaystaan.

5. In dadka gobolka Cayn ay midoobaan isla markaana iska daayaan tafaraaruqa iyo kala qaybsanaanta.

6. In dhamaan shirarka looga hadlaayo arrimaha gobolka lagu qabto gudaha dalka, taasi oo la gaaray kadib markii shirar lagu kala qaybsamay ay ka dhaceen dhanka dibadda.

Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo kamid ah Isimada bayaanka soo saaray ayaa sheegay mar uu faah faahinaayey qodobada ay soo saareen in arrintan ay gaareen kadib markii maamulka Somaliland kasoo bixi weeyey balanqaad ay hadda ka hor sameeyeen, kaasi oo ku aadanaa in Ciidamada Somaliland laga saaro guud ahaanba gobolka Cayn.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in Isimada maanta bayaanka soo saaray ay ugu baaqaayaan dhamaan bulshada gobolka dal iyo dibadba in ay u kacaan sidii xaaladaha gobolka wax looga qaban lahaa.

Bayaanka ay maanta magaalada Buuhoodle kasoo saareen Isimada gobolka Cayn ayaa imanaaya xilli xaaladda gobolku soo martay xeerar kala duwan, iyadoo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo dhexmaray dadka deegaanka iyo Ciidamada Somaliland.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”