Dagaal Kharaar oo Iminka ka Socda Dhoobley

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Dagaal Kharaar oo Iminka ka Socda Dhoobley

Post by LooxJiid »

Dhoobley waxaa weerar saaka aroortii ku qaaday Col. Cabbaas Ibraahim Gurey. Haddana xabbaddu waa socotaa.

Yaa wax war ah oo intaa ka badan ka haya?

LJ.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Dagaal Kharaar oo Iminka ka Socda Dhoobley

Post by The_Patriot »

User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Dagaal Kharaar oo Iminka ka Socda Dhoobley

Post by Shift »

Looxjiid,ugaas dhalinyarada la iskama dhicin karo yaan lagu daalin.

War deg deg ah: Dagaalkii Dhoobley oo lagu kala baxay iyo Meydadka Maleeshiyaadkii soo duulay oo wadooyinka daadsan (Filo Sawiradii dagaalka). .
Sunday, 20 March 2011 07:21 Maamulka Memo Hits: 8 . .

Waxaa goordhaw soo gaba gaboobey dagaalkii cuslaa ee saaka ka qarxay magaalada Dhoobleey ee wilaayada Jubbada Hoose halkaasi oo ay isku heleen Xaqqa iyo baadilka.




Weriyaha Wakaaladda SomaliMeMo Cabdi Raxmaan Yare oo Dhoobley ku sugan ayaa goordhaw soo sheegay inta badan dagaalku uu soo dhamaaday islamarkaana Maleeshiyaadka Hororka ah laga saaray dacalka Dhoobley kaga beegan Dajabula oo markii dagaalku socday ay saaka kasoo jabsadeen.




Bakhti aad u farabadan ayaa daadsan hareeraha magaalada oo ay ka carareen Maleeshiyaadka ay wateen Axmed Madoobe iyo Col.Cabaas oo labaduba hogaaminayay dagaalka.



Weli waxaa daafaha magaalada laga maqlayaa rasaas balse madaafiicda BM-ka ayaa ah dhibaatada ugu daran ee shacabka dhoobleey heysata.


Wararka qaar ayaa sheegaya in Bakhtiyada laga cararay ay kamid yihiin ciidan Kenyaati ah taasi oo haddii ay xaqiiq noqoto Xujjo ku noqon doonto Kenyaatiga.




Cabdi Raxmaan Yare oo Dhoobley ku sugan ayaa weydiinay su'aal ahayd Dagaalkii Dhoobley waa soo gaba gaboobay mala dhihi karaa? wuxuuna ku jawaabay "Maya laakin aagagii ugu cuslaa dagaalka waa lagu kala baxay balse dhanka Xad beenaadka xiga ayaa leysku hayaa".









User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Re: Dagaal Kharaar oo Iminka ka Socda Dhoobley

Post by ruralboy »

Adigaa arki doona markii la cayrsado dhallinyarada aad sheegaysid. Maxay uga carareen Luuq, Bulaxaawo, Garbaharrey, Buurdhuubo ayadoon aan xabbad qush lagu siin?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”