
Koobkaan oo ah mid ay isku arkaan xaafadaha iyo weliba Jaamacadaha kala duwan ee ay wax ka bartaan ardeyda Soomaaliyeed ee kunool dalka Malaysiya ayaa furmay wadankaasi.
Furitaankii koobkaan oo magaciisa loo soo gaabiyo PPL ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Wasiirka Shaqada Sports-ka iyo Dhalinyarada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle[Indho-guran],Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysiya Prof: Muuse Maxamuud Axmed,Dr: Sayid Cabdalla Xassan ahna u qaabilsanaha Jaamacada Bariga Afrika dalka Malaysiya iyo Cabdisiciid Cali Suryaan oo kamid ah ganacsatada Puntland iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Malaysiya.
Wasiirka Shaqada Sports-ka iyo Dhalinyarada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle[Indho-guran] oo furay xafladii loo qabtay furitaanka koobka ayaa halkaasi kasoo jeediyey kalmado si weyn u qiira geliyey soona jiitay dhamaan dhalinyadii iyo ciyaartooydii kasoo qabgashay koobkaan.
….”Sports-ku waa mihiin,jir dhisan baana caafimaadku jiraa,waxaad tihiin dhalinyaradii umada Soomaaliyeed mustaqbalka haddii idinku aad noqotaan kuwa wanaagsan dalkiinuna wuxuu noqonayaa mid hagaagsan,waxaan idinku dhiiri gelinayaa in mar walba ku dadashaan sidii horumar uga gaari lahaydeen aqoontiina iyo cilmiga aad baraneysaan…”ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa isna ka hadlay furitaankii xaflada Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysiya Prof: Muuse Maxamuud Axmed oo runtii aad ugu dheeraaday qiimaha uu leeyaha Sports-ku iyo siduu muhiim ugu yahay caafimaadka iyo maskaxda dhalinyarada Soomaaliyeed,wuxuna dhalinyarada ku booriyey in wakhtiyada ay fasaxa leeyihiin ay ku dadalaan sidii ay u abuuri lahaayeen Barnaamijyo dhiiri gelinaya dhalinyarada si aysan nafsadooda ugu mashquulin wax aan munaasib ku ahayn.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysiya iyo dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qaybgashay furitaankii xaflada PPL Cup Malaysiya ayaa waxay mahad balaaran u soo jeediyeen dhalinyardii soo qabanqaabisay Barnaamijkaan oo u ugu horeeyo Guddoomiyaha Sports-ka ardeya Puntland Nuuradiin Ladane Xassan iyo Guddigii lasoo shaqeeyey oo ay kamid yihiin Mowliid Axmed Maxamed[Isbaandheys],Cabdirashiid Cali Yare[Qalinle] iyo macalinka Sports-ka reer Malaysiya Maxamed Imaan.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa si farxad leh u furay koobka Wasiirka Shaqada Sports-ka iyo Dhalinyarada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle[Indho-guran] iyadoo kubadii ugu horeysay uu laaday Wasiirku una ku dhawaaqay in sanadkaan 20011 sidaasi uu ku furan yahay koobku.
Si kastaba ha ahaatee Koobkaan ayaa ah mid ay kawada qaybqaadanayaan ardeyda gobolada Soomaaliya oo dhan kawad yimid,waxaana ujeedkiisu yahay sidii la isugu xiri lahaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Malaysiya loona dhiiri gelin lahaa is dhexgalka iyo isu keenida da’yarta Soomaaliyeed.
Horseed Media



