Xiisado dagaal ka taagan Kalshaale iyo Puntland ka hadashay

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xiisado dagaal ka taagan Kalshaale iyo Puntland ka hadashay

Post by FBISOMALIA »

Kalshaale: (Sh. M. Network) Xiisado colaadeed ayaa lagu soo waramayaa inay ka aloolsanyihiin deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle, iyadoo Maamul goboleedka Puntland ay sheegeen inay difaacayaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.



Xiisadaani maanta laga dareemayo deegaanka Kalshaale oo hoostagta degmada Buuhoodle ayaa waxaa ay u dhaxayaa Ciidamada Jabhadda SSC iyo kuwa Maamulka goboleedka Somaliland oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaankaasi.



Xiisadaani aya bilaabatay kadib markii sida la sheegay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland ay kasoo ruqaansadeen dhinaca magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool, waxaana xiligaasi kadib halkaasi soo buuxdhaafiyay Ciidamo kale oo iyana ka tirsan Jabhadda hubaysan ee SSC.



Maamul goboleedka Puntlnad ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in shacabka ku nool deegaanka Kalshaale aysan ku fiirsan doonin weerarka ay kusoo qaadaan ciidamada Somaliland sida ay hadalka u dhigeen.



Wasiirka Kaluumaysiga iyo Qeyraadka badda ee Maamulka Puntland Max’ed Faarax oo la hadlay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu wacad ku maray inay difaaci doonaan shacabka ku nool deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle.



Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Maamulka Somailand oo ku aadan xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Kalshaale hase ahaatee kol hore ayaa Maamulka Puntland waxaa ay daaha ka rogeen inay garab taagan yihiin Jabahadda SSC islamarkaana sida ay sheegeen ay la dagaalami doonaan Ciidamada Maamul goboleedka Somaliland hadii aysan kawaantoobin weeraro ay tilmaameen inay kusoo qaadaan deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”