Burcadbadeedda oo Baargaal ula Wareegay Dadkii ay ku Haystee

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Burcadbadeedda oo Baargaal ula Wareegay Dadkii ay ku Haystee

Post by FBISOMALIA »

Kooxaha burcadbadeedda Soomaalida ayaa dadkii u dhashay dalka Denmark ee ay ku haysteen xeebaha degmada Bender-Bayla ula wareegay dhanka degmada Baargaal ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmada Bender-Bayla Siciid Aadan Cilmi (Siciid Anteeno) oo ay Horseed Medi khadka taleefanka kula xiriirtay isaga oo kusugan isla degmada ayaa waxa uu sheegay in burcadbadeedda iyo dadkii ay haysteen ay u wareegeen dhanka degmada Baargaal.

Arrintan ayaa waxa uu Guddoomiyahu u sababeeyey in ay timi kadib markii looga kacay burcadbadeedda xeebaha degmada, iyada oo lagu amray in ay isaga baxaan.

Waxaa uu intaasi ku daray in dadka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada degmada Bayla ee dhanka xeebta saaran, looga diiday burcabadeedda in wax laga iibiyo, taasina ay ku khasabtay in ay xeebaha Baargaal u ruuqaan sadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan wada hadallo lagula jiro burcadbadeedda, kuwaasi oo ku aadan sidii loo siidayn lahaa dadkaasi u dhashay dalka Denmark ee todobada qof ka kooban.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ka bixista burcadbadeedda ee xeebaha gobolka Karkaar waxyaabaha soo dedejiyey ay kamid yihiin, Ciidamo dhowaan deegaanadaasi gaaray kuwaasi oo burcadda go’doon ka saaray in ay banaanka usoo degaan.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli shalay war soo baxay lagu sheegay in uu faashil ku yimi wada hadallo u socday burcadda iyo guddi ay Dawladda Denmark u saartay in ay kala xaajoodaan sidii ay u siidayn lahaayeen dadkaasi Danishka ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”