




I can smell dowladnimo and the pride we once had before
Xuukumada Farmaajo are on fire!!!


Guul Jaale Farmaajo
Wallahi it's like the Kacaan is back again!!


DKMG oo markii ugu horeysay iskuul lacag la’aan ah ka furtay Muqdisho
Muqdisho: (Sh. M. Network) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta iskuul lacag la’aan ah ka furtay gudaha Magaalada Muqdisho xili ay jiraan caruur badan oo u baahan in ay helaan waxbarasho islamarkaana aan heysan awood ay isaga bixiyaan qarasha wax barashada.
Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya Muuse Faarax xayd oo maanta booqasho ku tagay isaga iyo xubno ka tirsan wasaaradaasi, ayaa waxaa uu xariga ka jiray iskuul cusub oo uu tilmaamay in uu hoostagayo dowladda KMG islamarkaana wax lagu barayo ardeyda Soomaalida ee aan fursada u helin in ay xiligaan wax bartaan.
Muuse Faraax ayaa sheegay in ardeydu ay si lacag la’aan ah wax ku baran doonaan, isagoo intaasi raaciyay in iskuulka ay wax weyn ku soo kordhin doonto wasaarada waxbarashada ee xukuumada KMG Soomaaliya.
Iskuulkaani oo lagu magacaabo Max’uud Mire kuna yaala degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa ah iskuul horay u jiray waxaana dowladu ay haatan ku sameysay dib u dayactir, iyadoo uu leeyahay barxad weyn oo caruurta ay kubada ku ciyaaraan.
Waa markii ugu horeysay ee dowladda KMG Soomaaliya ay iskuul lacag la’aan ah ka howlgaliso gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana arintaani ay faa’iido weyn u tahay hadii ay sii socoto jiil farabadan oo aan qoysaskooda awoodin inay bixiyaan qarashaadka iskuulaadka kale lagu dhigto.