http://hiiraan.com/news/2011/Mar/warark ... -12977.htmJimco, March 25, 2011(HOL): Tan iyo markii qaxa iyo barakaca ay keeneen dagaalladda iyo abaartu ay la kulmeen shacabka deegaanka Beled Xaawo ayaa waxaa soo food saartay xaalad bani’aadannimo oo aad u xanuun badan.
Shacabkii ka qaxay Beled Xaawo waxaay qiyaastii ahaayeen 6000 oo qof waxaana la xaqiijiyay inaay magaaladda mandheera nafta ula baxsadeen.
Dagaalkii markuu joogsaday ayay dowladda Kenya gaar ahaan maamulka Mandera waxaa uu si qasab ah shacabkii barakacay oo aan haysan hooy badan dib ugu celsheen Balad Xaawo kaaga sii darane shacab qaxay oo haween iyo caruur u badan ayaan lagu daabulin gaadiid, waxaana lagu amray ina y socod ku tagaan halkii ay ka soo barakaceen.
Hay ada Socra oo ah hay’addii ugu horraysay ee Gargaar bini’aadannimo la gaartay shacabka Balad Xaawo ayaa waxaay ka war bixisay xaaladda dhabta ah ee shacabkii barakacay oo haddana la soo bara kacshay meesha ay haatan magaaladii aay ka qaxeen kaga sugan yihiin
walahi this is sad the people need peace..
