Maamulka Puntland ka qayb-gali doona shir dhici dona kenya
Posted: Fri Mar 25, 2011 11:28 pm
jimco, Maarso 25, 2011 (HOL) – Madaxwaynaha Puntland C/rixman Maxamed Faroole ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka qayb gali doono shir ay Qaramada Midoobay ku qabanayso magaalada Nairobi,kaasi oo lagu kulan siinayo dhinacyada Soomaalida.
"Puntland waxa ay hormuud ka tahay dhamaan shirarka nabadda loogu raadinayo dalka "ayuu yir madaxwayne Faroole oo shalay soo gaaray Garowe.
Waxaa kaloo uu madaxwaynaha Puntland sheegay in kulamadii uu la qaatay Mahiga shalay uu ahaa mid inta badan looga hadlay arimo la xiriira xal u helida dhibaatooyinka dalka Somaaliya ka jira.
"Sida aan rajaynayo Qaramada Midoobay dhinacyda la kulansiinayo waxa ay ku qancin doontaa in la aqbalo hanaanka nabadda ee dalka "ayuu hadalkisa ku daray madaxwayne Faroole.
Madaxwaynaha oo wax laga waydiiyay safarkii uu dibada ugu maqnaa mudada ayaa sheegay in uu soo maray wadamada Talyaaniga iyo Ethopia,kuwaasi oo uu sheegay in uu kala soo hadlay arimo la xiriira hormarinta mashaariicda gobolka.
"Waxaan ka codsanay Talyaaniga in uu dib u bilaabo mashaariicdii uu horay uga ballan qaaday ee Puntland sida dhismaha dekadda Bosaaso iyo Airporka Garowe "ayaa hadaladiisi ka mid ahaa madaxwaynaha.
Kulanka ka dhici doono Nairobi ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo bisha April ee soo socota ,waxaana ka qayb gali doona qaar ka mid ah ururada dalka ka jira sida Ahlu-Sunna sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay kulankii ay wada qaateen Agustine Mahiga iyo madaxwayne Faroole kaasi oo ka dhacay shalay Garowe.
Ugu danbayntii maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in shirkaasi ay uga qayb galaan xubno sar-sare oo dowlad aka tirsan ,iyadoo wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka iyo DKMG ah ee Soomaaliya