Maamulka Degmada Boosaso Oo Maanta Dhagax dhigay Suuq Cusub

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Maamulka Degmada Boosaso Oo Maanta Dhagax dhigay Suuq Cusub

Post by FBISOMALIA »

Image

Boosaso (RBC Radio ) Waxaa Maanta La dhagaxdhigay Suuq Weyn oo Dhawaan ay yeelan Doonto Magalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari Halkaasi oo Ku Taala Bartamaha Magalada Boosaso.
Image
Dhxdhiga Suuqani Ayaa waxaad dhagaxa Dhigay Duqa degmada Boosaso Maxmuud Faarax Iyadoona shir jara’id uu Duqa Qabta uu Ku sheegay in Suuqani Badali Doono Suuqa Weyn ee Magalada Boosaso Oo Halkan Loo soo Rari Doono.
Image
Halka Laga dhisayo suuqa Oo Horay u Ahaan Jirtay beer Timirta ka baxdo ayaa Waxaa Dawlada Hoose ee Boosaso ugu deeqay Mid Ka mid ah odayada Gobolka Bari ugu Faca weyn.
Image
Waxaana Duqa degmada oo halkaasi shir jaraa’id ku Qabtay Uu sheegay in uu Mahad celinayo Cidii Bixisay Dhulkaasi isla Markaasina Taarikhda Baal Wanaagsan ay Ka gali doonto isaga oona dhinca Kale ganacsatada Gobolka Bari ku Booriyay in ay U soo guuraan dhulkani.

Hadaba Habka dagitaanka dhulkani ayaa duqa Uu sheeay in uu Noqon doono Mid dawlada Hoose ay Ku Shaqo leedahay isla markaasina dadka dagaya ay Soo mari doonan dawlada Hoose Dhawaana Loo Dhameystiri doono agabyadii uu Baahanaa dhulkani sida Biyaha iyo Korontada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”