Page 1 of 1

ppl of puntland come to your state to build it together

Posted: Sat Mar 26, 2011 6:29 pm
by FBISOMALIA
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshada Dawlada Puntland Xasan Faarax Jaamac (Geerash) ayaa baaq ujeediyay qorba jooga Puntland kaa oo kuwajahan in dalka ay maalgashtaan.

Wasiirka oo warfidiyeenad kula hadlay casimada Dawlada Puntland ayaa sheegay in deegaanada Puntland rabi kumanaystay kheyraad aad ufarabadan kaa oo loobaahanyahay in sida ugu haboon looga faaiidaysto.

Waxaa uu sheegay in wasaarada uheelantahay dhiirigalinta iyo gacansiinta shaqsiyaadka ku soo hirta in dalkooda maalgashtaan taa oo waxtar u ah dadka iyo dalka Puntland.

Geerash ayaa tilmaamay in Dawlada canshuur dhimis usamaynayso cidii doonaysa in dalkooda maalgashtaan kana bilaabaan ganacsi iyo wixii kale oo ay doorbidaan.

Talaabadan ayaa kamida’ah qorshayaal Dawlada Puntland ku doonayso in ay ku hormariso deegaanadeeda waxaana talaabadn ka horeeyay hadal ka soo baxay wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta kaa oo ku aadanaa in dalka laga furidoono goobo loo soo dalxiistago.

Re: ppl of puntland come to your state to build it together

Posted: Sat Mar 26, 2011 7:46 pm
by quark
:up: