Hargaysa (HWN)Waxa maanta dalka dib uugu soo laabtay Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guryeynta Siciid Sulub Maxamed oo dalka ka dhoofay kadib markii xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB lagaga guulaystay Doorashadii Madaxtooyada,

Md Siciid Sulub oo maanda siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Caasimada Hargaysa ee Cigaal International Airport,ayaa waxaa goobtaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin sar-sare oo ka socday Xisbiga UDUB,Xildhibaano iyo waliba taageerayaasha xisbigaasi,waxaanay u soo galbiyeen Xarunta dhexe ee xisbiga Udub,
Intaasi kadib Md Siciid Sulub waxa uu xarunta dhexe ee xisbigiisa UDUB kula hadlay taageerayaashii iyo masuuliyiintii sida diiran ugu soo dhaweeyey dalkiisa Hooyo,waxaanuu u sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo noqoto sumcadii iyo kalsoonidii ka dhaxaysay xisbiga iyo shacabka, waxaanuu shaaca ka qaaday in xukuumada maanta dalka haysaa ay Sideed biloodba ku dhaqmaysay siyaasad aamusan,
Sidoo kale waxa uu sheegay inuu iska soo dhex sharaxi doono xisbiga isagoo tixgalinaya qawaaniinta iyo shuruuc siyaasadeed ee xisbiga, si mabda´a u noqodo mid furfuran oo ay ka dhex muuqdaan dhamaamba shacbiga Somaliland.
Jamaal Cabdi Muxumed
Hadhwanaagnews/Office
Hargaysa/Somaliland
Mahdi760@hotmail.com