Awdal waaaa dalkaygee
Awdal waa dalkaygee
dunbaa iigu xidhan oo
duhur iyo habeenimo debnahaan ku haayaa.
Saylac daareheedii
degentii wacnayd
ilbaxnimadii doraad
dardar baan gelinoo dib baan usoo celin.
daraynkaygaa kacay
wuxuu damcaayaa
danahiisa weeyee
dawlad lagu nastiyo
qaran lagu diirsado
daahaan ka qaadiyoo
dalkayga waan dhisan
ooo waan dhisanayaa
haaa waan dhisanayaa.
Awdal waaaa dalkaygee
Awdal waa dalkaygee
dunidaan ugu jecelahay oo
dal dheer anoo jira indhahay ku taalaa.
Bulloxaar dusheediyo
Ceel-sheekh dacaladeeda
dagalkii qurxoonaa
dariiqyaan ka simiyo daruurahaan gayn.
Awdal waaaa dalkaygee
Awdal waa dalkaygee
dugsi hodan ah weeyaan
dayday iyo mooryaan

derbi kaaga oodayaa.