puntland aid water to reer cayn

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland aid water to reer cayn

Post by FBISOMALIA »

Buuhoodlle, Mar 27 - Wafdi sare oo ka socda dawladda Puntland ayaa maanta (Axad) waxa ay gaareen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, halkaas oo ay gaarsiiyeen gargaar cunno ah oo gaaraya 70 tan, taasoo lagula tacaalayo abaaraha kulul ee ka taagan guud ahaan degaannada Puntland.

Wafdigan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ayaa waxa hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye, deeqdan ay wadeenna waxa ay qayb ka tahay deeq raashin ah oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu soo gaarsiiyay Puntland. Deeqdani oo isugujirtey, bur bariis, saliid, sonkor iyo timir ayaa waxaa ay ka koobnayd lix gaari oo nooca xamuulka ah, waxaana raashinkaasi lagu rogey bakhaaro loogu tala bgalay in loogu qaybiyey dadka tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen.

Mas'uuliyiinta ayaa waxa ay gargaarka ay wadeen ku wareejiyeen odayaasha buuhoodle, waxaana odayaashu ay halkaasi ka sheegeen inay sida ugu haboon u gaarsiinayaan dadkii loogu tala galay. Suldaan Siciid Cismaan ayaa sheegay in deeqdan ayan waxba ka tari karin baahida taagan waxase uu sheegay in illaa iyo xad lagu nafiso doono. Suldaanku waxa uu odayaasha kula dardaarmay in ay deeqdan gaarsiiyaan dadka intooda ugu jilicsan.


Degaannada Puntland ayaa guud ahaan waxa ka jira abaaro aad u daran, kuwaas oo ay dawladdu u magacoowday guddi qaran iyo guddiyo kale oo ka sii hooseeya. Dhawaan ayay dawladda Imaaraadka Carabtu soo gaarsiisay shacabka Puntland deeq gargaar taasoo haatan qaybinteedii ay ka socoto meelo badan oo Puntland ah. Sidoo kale dawladda, ganacsatada iyo shirkadaha ganacsiga ayaa iyaguna dhinacoodi iska kaashanahay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo dadka ay sida daran u saameeyeen.

Malyuun Axmed Xasan,
Daljir Buuhoodle.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”