Page 1 of 1

Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaaday

Posted: Mon Mar 28, 2011 9:23 pm
by FBISOMALIA
Image

Galkacyo(Puntlandi.com);- Taliska Policka Puntland ayaa isbadal ku sameeyay hogaanka Bilayska Gobolka Mudug waxaa sida warar hordhaca sheegayaan xilkii laga qaaday taliyaha Policka Gobolka Mudug Adan Nuur Qaal.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa Wakaalada wararka Puntlandi.com ugu xogwaramay in xilkii laga qaaday taliyihii Policka Gobolka Mudug Adan Nuur Qaal waxaana ay sheegen in lagu badalay C/rashiid Cadceed Dhaylo’aad.

Warkan si rasmiya looma shaacin balse saraakiil lagu kalsoonaan karo ayaa u cadeeyay wakaalada wararka Puntlandi.com waxaana ay intaa ku dareen in mudooyinkii udanbeeyay hawshan soo socotay.

Sarkaalka la sheegay in xilka loo dhiibay ayaa muda dhawrjeer ah xilkan loomagacaabay waxaana looga qaaday sida la sheegay xilgudasha la’aan iyadoo haatan Gobolka marayo meelxasaasiyana loo dhiibay.

Re: Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaa

Posted: Mon Mar 28, 2011 9:24 pm
by FBISOMALIA
War Deg Deg Ah. C/rashiid Cadceed Dhaylo’aad Oo Sheegay In Loomagacaabay Xilka Taliska Qaybta Policka Gobolka Mudug.

Galkacyo(Puntlandi.com);- C/rashiid Cadceed Dhaylo’aad ayaa sheegay in si rasmiya loogu magacaabay xika taliska Qaybta policka Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa goordhawayd oo cawa warfidiyeenada Gobolka Mudug u sheegay in xilka iyo agabkii taliska qaybta lagu wareejiyay.

Waxaa uu sheegay in waxqabad uu laimaandoono intii uu awoodo waxaana uu ka gaabsaday in uu faahfaahin kabixyo sababta kadanbaysay xil kaqaadista taliyihii hore iyo ujeedada loogu soo celiyay xilkan oo horay looga qaaday.

G/Dhexe Adan Nuur Qaal taliyihii hore oo dhinaciisa saxaafada laxiriirtay ayaa ka gaabsaday in faahfahin uu ka bixiyo isbadalka lagu sameeyay.

lixdii bilood ee u danbaysay waxaa ay dowlada puntland gobolka mudug laamahiisa amaanka ay ka samaysay isku badal aan saamayn dhab ah bulshada ku dhaxyeelaan
Xilka taliska qaybta ayaa haatan loo magaacabay cabdirashiid cadceed dhaylo’aad oo laba jeer oo hore xilkan soo qabtay hadaba waxaa in badan oo bulshada kamid ah ay aad u hadal hayaan saraakiishaan xilka lagu soo celcelinayo ujeedada ay Dowladu ka leedahay isku bedalka saraakiil shaqaynaysay.

Re: Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaa

Posted: Mon Mar 28, 2011 9:27 pm
by FBISOMALIA
C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan Oo Soo Dhaweeyay Isbadalka Lagu Sameeyay Hogaanka Taliska Qaybta Policka Gobolka Mudug.

Galkacyo(Puntlandi.com);- Duqa degmada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo xilka cusub ee loo magacaabay Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug .


Godomiyaha ayaa sheegay in wadashaqayn joogtaa layeelandoono horayna ula shaqaynjiray sarkaalkan iyo saraakiishii xilkan soo qabtay.

Waxaa uu sheegay in taliska qaybta kamidyahay goobaha ugu shaqadabadan ee Gobolka loona baahanyahay in aad looga taxadaro.

C/raxmaan ayaa salaan iyo shaqo gudasho wanaagsan ujeediyay sarkaalka xusub ee xilkan loo soo magacaabay.

Re: Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaa

Posted: Thu Mar 31, 2011 4:41 pm
by Amethyst
Hands down one of the most dangerous positions in all of Puntland. Aadan Nuur Qaal at least 7 times ayaa la sigay in the past year or so. The last time was just 2 months ago. Though, I welcome the change, it does very little for situation on the ground. If anything its a counterproductive move. Best of wishes to C/rashiid Cadceed Dhaylo’aad! May he stay stay safe & accomplish a lot! :som:

Re: Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaa

Posted: Thu Mar 31, 2011 4:55 pm
by gemini_snake
:|

Re: Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaa

Posted: Fri Apr 01, 2011 7:39 am
by Xamud.
These guys are all corrupt idiots, they have both been sacked twice or more, yet someone,somewhere still thinks they are fit to be in charge of the security in Gaalkacyo. How are people gonna takes these guys serious?

Re: Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaa

Posted: Fri Apr 01, 2011 1:00 pm
by damu
Xamud. wrote:These guys are all corrupt idiots, they have both been sacked twice or more, yet someone,somewhere still thinks they are fit to be in charge of the security in Gaalkacyo. How are people gonna takes these guys serious?
maybe its time to bring back c\risaaq afguduud..he at least kept the town peaceful under his watch!!

Image