Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka W.health pland bari + karkar

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka W.health pland bari + karkar

Post by FBISOMALIA »

Boosaaso:(Allpuntland)-Waxay ahayd arin iyo wakhti aad u adag kadib markii ay pulshada reer Puntland lasoo gudboonaatay abaar aad u daran qadarta ilaahay, abaarta ayaa sida lagu yaqaan wadata cuduro inta badan ka dhasha nadaafad darada iyo nafaqa darada taas oo lasoo gudboonaata kadib markay buslhada haleesho abaar noocan oo kale ah.

Maamulka wasaaradda caafimaadka gobolka bari waxay qaylo dhaan u direen xarunta wasaarada iyo wasiirkaba taas oo ay sababtay kadib markii meela ka mid ah gobolka bari gaar ahaana degmada isku shuban tuulooyin katirsan laga soo sheegay caruur u dhimatay xanuunka Diphtheria ama gawrcatada taas oo ahayd shaki laakiin aan la hubin, maadaama aan la marin wax shaybaadha ah.

Nasiibwanaag Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame oo xiligaas ka yimid safar shaqo ayaa kasoo degay Degmada Bosaso isagoo kaashanaya maamulka caafimaadka gobolka bari ayuu Wasiirku ku dhawaaqay in la qaado tallaabo ku haboon qaylada timid waxaana lagu dhaqaaqay shaqadii iyo diyaargarawgii hawshaas. Wasiirka Caafimaadku waxaa uu shir isugu yeeray hay'adaha dhanka Caafimaadka bahwadaaga ay yihiin Wasaaradda Caafimaadka waxaana shir ay hay'adaha iyo Wasaaraddu wada yeesheen kasoo baxay in deg deg loogu gurmado deegaanada qayladu ka timid ee ay dadku u dhinteen, shirkaas waxaa la diyaariyey agabkii caafimaad ee dadka loogu gargaari lahaa iyo saddex kooxood oo ah kuwii hawsha fulin lahaa, Kadib waxaa hawshii galay Kooxii oo ay u dhan tahay wax walba oo ay u baahnaayeen haday gaadiid, daawo iyo shaqaale iyo dhakhaatiirba lahaan lahaayeen kuwaas oo soo qabtey hawl baaxad leh oo markii ugu horeysay ay wasaaraddu ka fuliso deegaanadaasi.

Hawlaha ay kaaxaha Gurmadku soo qabteen ee ay kasoo fuliyeen Degmooyinka Iskushuban iyo Rako oo ka tirsan Gobalada Bari iyo Karkaar waxay ka bilaabeen arimahan.

¨ Baadhis iyo Daawayn Guud

¨ Tallaal

¨ Nafaqo siinta ilmaha nafaqo daradu hasyo oo lasiinayay buskud

¨ Wacyi gelin ku saabsan nadaafada iyo caafimaadka

Tiimkasta wuxuu ka koobnaa sidan :-

1-Hal dhaktar

2-Hal supervisor

3-laba talaale

4-labo shaqalaha nafaqada

5-Diiwaan geliye

Laba tiim oo kamid ah tiimamkaas waxay kasoo shahqeeyeen degmada isku shuban iyo tuulooyinkeeda sida:

1. Xidhiidho

2. Xobabays

3. Iskorsaar

4. Dharoor

5. Camaan

6. Biiki

7. Dharjaale

8. Timirshe (my head village 8-) :up: )

9. Gar gore

10.Barako

11.Dawacaley

Sidoo klae ayaa tiimka kasoo shaqeeyay Degmada Rako wuxuu isaguna uu tagay magaalooyin ay kamid yihiin:-

Rako

Cambaar Hoose
Qalwo
Qaarrar soor
Duud hooyo
Addin geri
Xumbbays
Meegaag
Qodax
10.Uur jire

Guud ahaan tirade dadka lasoo daweeyay ayaa ah 2’232 qof dadkaas waxaa shan sano kayaraa 631 caruur ah iyo 1601 qof oo ka wayn shan sano. Shaqadan ayaa socotay 10-17 bsiha march 2011

Cudurada ugu badan ee dadka laga daweeyay ayaa waxaa ugu waawaynaa :-

¨ Xanuunada Neef mareenka (Respiratory Tract Infection)

¨ Xanuunada maqaarka (Skin Disease )

¨ Dhiig la’aan (Anemia )

¨ Shuban biyood caruurta u badnaa (water Diarrhea)

¨ Gaastariig (Gastric )

¨ Nafaqo darada caruurta (Malnutrition )

Waxaayaabihii nala soo kulmey intaan shaqada ku jirney:

Waxaa jirtay abaar aad iyo aad u daran oo saamaysay deeganadaas dhulka oo qalalan, biyo la’aan , Cuno yari, dadkii oo ka guuray magaalooyinkii aan lahayn Riigaga ama biyaha kadib markay madheen Barkadihii

Bulshadu waxay aad usoo dhaweeyeen Habka isku dhafka dhakhaatiirta ,daawada,nafaqada, iyo wacyi gelinta Caafimaadka.

bulshooyinka deegaanadaas ayaa aad usoo dhaweeyay shada wasaaradda caafimaadka iyagoo sheegay inaanay waligood arag dhakhaatiir bilaash ku shaqaynaysa isla markaana ugu yimi gurigooda una qabanaya wax ay doonayaan, isla markaana wata dawadii ay siin lahaayeen bukaanka ay baadheen arintan oo lama arag iyo lama maqal ku noqotay bulshooyinkaas, waxay ku kaliftay inay Tiimamkii wasaaradda caafimaadka u raadiyaan xoolo ay u qalaan iyadoo la og yahay inta ay xad iy baaxad le’eg tahay abaarta dadkaas ku habsatay.

Dadweynuhu aad ayay noosoo dhaweeyeen walibana si heer sare ah ayay noo marti sooreen. Meelihii aan tagney qaarkood waxaanu siinay sahaydii lacageed ee aanu wadanay maadaama nala marti soorey ayaan u bixinay in biyo lagu dhaansado.

Waxay bulshadu noo sheegeen inay tani tahay wax ilaahay looga mahad celiyo iyagoo wasaaradda caafimaadka alle uga baryay in alle u fududeeyo shaqadeeda, waxayna ku taliyeen inaanay wasaaradu ka daalin shaqooyinka noocan oo kale ah maadaama aanay ahayn shaqooyin hore loogu bartay aadna wax u taraya bulshada ku Oodan meelaha ka fog fog laamiga

Warbixintan waxaa nasoo gaarsiiyey Iskuduwe xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Bari;

Sasiicd Maxamed Waraabe
Boosaaso, Puntland Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”