Page 1 of 1

Waxgaradka Ceelwaaq oo cambaareeyay Shabaab

Posted: Tue Mar 29, 2011 8:16 am
by CoolPoisons
Waxgaradka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay maleeshiyada Shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah gobalka in ay ay dhibaatooyin ku hayaan gaadiidka ganacsi ee alaabaha u kala qaada degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Nabaddoon Xasan Cumar Cilmi, oo ka mid odayaasha degamada Ceelwaaq, ayaa Barkulan u sheegay in maleeshiyada shabaabka ay bilaabeen dhibaatooyin ka dhan ah gadiidka ganacsiga qaado isagoo tilmaamay in 20 gaadiid wada shixnado ganacsi u siday degmada ay shabaabku xanibeen.

Waxaa uu sidoo kale Shabaabku ku eedeeyay in ay miinooyin ku aaseen inta u dhaxeysa deegaanada Muudaale iyo Buusaar ee gobolka Gedo, taasoo uu sheegay inay qatar ku tahay dadka ku nool galbeedka gobolka Gedo.

Gaadiid badan oo shixnado ganacsi u sida degmada Ceelwaaq ayay shabaabku ku xannibeen degmada Balanbal oo 82 kiilo mitir u jirta degmada Ceelwaq, iyadoo sidoo kale gawaari badan oo u shixnado ganacsi u siday deegaano ka tirsan gobolka Gedo ay ku xannibanyihin gobollada Baay iyo Bakool.