Gobolka Gedo oo laba loo kala qeybiyay iyo Itoopiyanka

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Gobolka Gedo oo laba loo kala qeybiyay iyo Itoopiyanka

Post by grandpakhalif »

Waxaad moodaa in uu rumoobay maqaal uu hadda ka hor qoray nin Kenyan ah oo magaciisa la yiraahdo DONALD KIPKORIR oo uu cinwaankiisu ahaa “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia“, kaasoo shabakadda AOL kusoo baxay Friday, October 3, 2008.

Laba sano kaddib markii uu maqaalkaas soo baxay kuna faafay wargeysyo iyo idaacado badan ayaa hadda waxaa nasoo gaaray warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Gobolka Gedo labo loo kala qaybiyay, labadaas qaybood oo ay kala maamuli doonaan Kenya iyo Itoobiya ayaa waxay kala yihiin sida soo socota:

1. Magaalooyinka Doolow, Balad-Xaawo iyo Luuq waxaa lagu biiriyay qaybta ay Ethiopia maamulayso.

2. Magaalooyinka Garbahaareey, Ceelcade, Ceelwaaq, Buurdhuubo iyo Baardheera waxaa lagu biiriyay qaybta ay Kenya maamulayso.

Waxaa kale oo aan xog ku helnay in Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Xuseen Sheikh Ismaaciil (Faray) oo hadda xulufo la ah dawlada Kenya inuu todobaadkii tagay horaantiisii damcay inuu galo Balad-xaawo, balse ay Itoobiyaanku u diideen loona sheegay inuu aado qaybta gobolka Gedo ee Kenya ka tirsan sidaa ayuuna u aaday Ceelwaaq.

Sidoo kale, waxaa nasoo gaaray war sheegaya in maalmaha soo socda maamul maqaar saar ah loo samayn doono qaybta ay Kenya maamuli doonto, waxaana ka mid ah deegaanada maamulkaas la hoos geyn doono Gobolada Jubooyinka, qeyb ka mid ah Shabeelada Hoose iyo qayb ka mid ah gobolka Gedo.

Akhbaar intaan ka faah-faahsan iyo wareysiyo aan amuurtaan kala yeelan doono shaqsiyaad xog-ogaal ah ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa haddii uu Rabbi idmo.

Map-kan waa qaabkii uu DONALD KIPKORIR maqaalkiisa ugu muujiyay sida ay tahay in ay Kenya iyo Itoobiya isugu fidiyaan una qeybsadaan Soomaaliya.

Link-iga hoose Gujji si aad u aragto maqaalkii DONALD KIPKORIR ee uu cinwaankiisu ahaa Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia:

http://www.allgedo.com/Galged/arb%20dnation%20news.htm
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Gobolka Gedo oo laba loo kala qeybiyay iyo Itoopiyanka

Post by XimanJaale »

Can u stop posting fake useless articles that is if u fear allah. Nacas.
User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Re: Gobolka Gedo oo laba loo kala qeybiyay iyo Itoopiyanka

Post by ruralboy »

Itoobbiyaanku raalli kama aha Xuseen Farey, in ay gelidda Bulaxaawo u diideenna waa wax cad. Maxaa been ah marka?
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Gobolka Gedo oo laba loo kala qeybiyay iyo Itoopiyanka

Post by grandpakhalif »

XimanJaale wrote:Can u stop posting fake useless articles that is if u fear allah. Nacas.
You are actively working for the annexation of Gedo, how do you feel about that?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”