Xaaladda Buuhoodle Oo Kacsan Markay Yimaadeen Rag Garowe La

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Xaaladda Buuhoodle Oo Kacsan Markay Yimaadeen Rag Garowe La

Post by juzme123 »

Xaaladda Magaaladda Buuhoodle Oo Kacsan Ka Dib Ay Magaalada Yimaadeen Rag garoowe Laga Soo Abaabulay.
Magaaladda Buuhoodle ayaa xaaladeedu circa isku shareertay ka dib markii ay magaalada yimaadeen rag laga soo abaabulay magaalada Garoowe oo uu horkacayey Ninka lagu magacaabo Suldaan Siciid Garaase iyo xubno kale oo maamulka Faroole ee Garoowe ka arrimayaa u soo diray gobolka Cayn si ay taageero ugu aadiyaan C/raxmaan Faroole.

Shacabka Magaalada ayaa kala hortagay ragga laga soo abaabulay Garoowe kacdoon iyaga oo sheegay in shacabku ka war hayo arrimaha ay usocdaan oo salka ku haysay sidii ay odayaal deegaanka uga hayaamin lahaayeen una geyn lahaayeen dhinaca Tukaraq iyo Garoowe si ay ugu saxeexaan C/raxmaan Faroole in uu isagu yahay madaxweynahooda arrintaas oo shacabka Gobolka Cayn diidmo ka muujiyeen.

Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Buuhoodle waxay intaas ku darayaan in shacab gadoodsani u diideen in ay wadooyinka magaalada caadi umaraan ayna dib ugu noqdaan Garoowe iyo Faroole una sheegaan in aanay halkan ka socondoonin qorshayaasha kala qaybinta ee uu maamulka Garoowe baryahan danbe ka wado deegaanka Gobolka cayn, dhaqdhaqaaqan cusub ee uu bilaabay Faroole kana bilaabay gobolka Cayn ayaa waxa uu salka ku hayaa in uu muujiyo in maamulkiisu ka taliyo gobolka Cayn isla markaana matelo deegaanlka SSC ka dib markii uu cadaadisa kaga yimi labada jabhadood ee SNM iyo SSDF bulshada caalamka iyada oo mid walba lagu cadaadiyey in uu deegaanka SSC faraha kala baxo, iyada oo Faroole aad ugu tafaxaytay in uu helo qoraal cadaynaya in odayaasha SSC isaga taageersan yihiin, qorshahaas oo uu haatan u soo diray Suldaan siciid garaase oo ay isku Ciise Maxmuud yihiin Faroole sidii uu ugu adeegsan lahaa, iyada oo uu hore Faroole taageero uga helay Madax dhaqameedka uu ku xanaaneeyo Maxjarka Hutel Hoorshe eek u yaala magaalada Garoowe.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”