
breaking news:Britain recognizes jamhuuriada Somaliland
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4228
- Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
- Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories
- Madelina
- SomaliNetizen
- Posts: 953
- Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
- Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)
Re: breaking news:Britain recognizes jamhuuriada Somaliland
^^ Happy Friday guys
You know the recognition isn't really that far away, if we play our cards right and encourage and entice certain powerful big investors to the country they will do our dirty work for us
Thought y'all be interested in the latest developments in SL, bal intan yar ku raxeeysta
You know the recognition isn't really that far away, if we play our cards right and encourage and entice certain powerful big investors to the country they will do our dirty work for us




Shirweynihii Ugu Caalamisanaa Ee Maalgashi Loogu Samaynaayo Somaliland Oo Ka Dhacay London+Sawiro (London-HNW)
Waxaa maanta ka dhacay caasimadda waddanka Ingiriiska ee London kulan taariikhi ah oo aan hore u dhex marin xukuumadda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska. Kulankan ayaa wuxuu dhexmaray Waftigii seddexda wasiir ee ka socday xukuumadda Somaliland iyo laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Ingiriiska, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa agasimayaal, sherkado ganacsi, maal qabeeno iyo dadkaloo caan ah. Shirkan ayaa ka dhacay Huteelka wayn ee Marriot oo ku dhaw xarunta looga arrimoyo barlamaanka dawladda Ingiriiska ee magaalada London.
Shir waynahan oo ay soo qaban qabaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda boqortooyada Ingiriisku waxaa ka soo qaybgalay xagga dawladda Britain laba wasiir oo ka tirsan xukkuamdda dawladda Ingiriiska iyo waftigii seddex wasiir ahaa ee ka socday dawladda Somaliland ku waas oo u hogaaminayay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland. Shirkan oo si ballaadhan ay dawladda Ingiriisku ammaankiisa u ilaalinaysay una agaasintay, waxay ahayeen masuuliyiinta dawladda Ingiriiska ka socday ee shirka u matalaayay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Henry Bellingham, Iyo Wasiir ka socday wasaardda arrimaha mucaawinada dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID), Mr. Stephen O´Brien, Agaasinaka Wasarradda Arrimaga Dibadda ee Ingiriiska ee Afrika, Jonathan Allen, Agaasinaka Bariga iyo Badhtamaha Afriak ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Marwo Sarah Tiffin, safiirro, maalqabeenno, iyo masuuliyiin tiro badan oo ka socday xukuumadda Ingiriiska.
Dhinaca Somaliland waxay kala ahayeen masuuliyintii shirkan caalamiga ah uga qaybgalay waftigii seddexda wasiir ee Somaliland oo kala ah Wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo biyaha, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire. Waxaa kaloo goobta ku sugnaa Maxamed Yusuf oo ah ganacsade u dhashay Somaliland oo deggan Britain, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Axmed Cumar Sangoore iyo waskiilaka Rugta Ganacsiga ee Somaliland ee UK, Abdikarin Cabdi Aadan.
Parliamentary Under-Secretary of State for International Development - Stephen O'Brien MP
Waxaa ugu horayn kulanka khudbad dheer oo nuxurkeedu taabanaayay xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland shirka ka soo jeediyay wasiir khaarijiga Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, oo si qoto dheer uga waramay baahida Somaliland u qabto maalgashi dhaqaale oo wayn si loo sameeyo fursado shaqooyin loogu abuuri karo dhallinyaradda Somaliland, laguna adkeeyo guulaha shacabka Somaliland ka soo hooyeen dhinacyada nabadgalayadda iyo dimuqraadiyadaba. Wuxuu ku ammaanay dawladda Ingiriiska taagerada dhaqaale ee ay u kordhisay Somaliland iyo wadashaqaynta tooska ah ee ay Britain markasta la garab taagan tahay shacabka nabada jecel ee Somaliland. Waxaa kaloo isna madasha hadal dheer ka jeediyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, oo isaguna faah-faahin ka bixiyay xaaladda horumarineed iyo baahida xagga gargaarka ee Somaliland ay u baahantahay. Wuxuu wasiirku aad uga hadlay saxadda maalgashiga ee Somaliland iyo shuruucda iyo siyaassadda xukuumadda ee ku wajahan sidii maalgashi dibadeed loogu heli lahaa Somaliland, isagoo tilmaamay in shirkadaha caalamku ay gacan fiican ka heli doonaan dawladda Somaliland.
Wasiirka Qoryashanta Qaranka. Dr. Sacad Cali Shire, Iyo Wasiirka Macdanta Iyo Biyayaha Somaliland Eng: Xuseen Cabdi Ducaale Oo Sharxaaya Maalgashiga Somaliland
Waxaa isaguna ka hadlay shir waynaha wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale. Waxanu wasiirku si waafiya oo qoto dheer uga warbixiyay khayraadka dabiiciga ah ee illaahay ku manaystay Somaliland. Wuxuu wasiirku si ballaadhan uga hadlay khayraadka ay ka midka yihiin batroolka, gaaska iyo macadanaha laga helo dhulka hoostiisa oo u sheegay inay Somaliland ka buxaan. Waxaa kale oo u ka hadlay siyaasadda iyo sharciga ay Somaliland u marayso ka midhodhalinta soo saarka kharaadkaas iyo nidaamka dalku u marayo heshiisyada shirkada adduunka. Khudbadii wasiirada kadib waxaa isagu hadalka u baxay wasiirka wasaardda arimaha dibadda ee Ingiririska u qaabilsan Afrika, Mr. Henry Bellingham, wuxuuna sheegay siday dawladda Ingiriisku ula dhacsantahay horumarka iyo dimuquraadiyadda ka hanaqaaday Somaliland, yadoo ay wax kasta hoosta ka soo bilabeen, taas oo u ku tilmaamay mid tusaale u ah Somaalida kale iyo Afrikaba.
Maalqabeenada Iyo Wasiirada Ka Socda Dawladda Ingiriiska ee Shirka Ka Qaybgalaayay Oo Si Muqaala Au U Tusayaan Wasiirada Somaliland Qaabka Sahlan Ee Loo Maalgashan Karo Somaliland
Waxaa kaloo ka hadlay shirka Wasiir ka tirsana Wasaaradda Mucaawinada Dibadda iyo Iskaashiga ee Ingiriiska, Mudane Stephen O´Brien, wuxuuna ka waramay siday u laban laabeen deeqda ay siiso dawladda Ingiriisku Somaliland, taas oo ay uga danlahayeen in la dhiiri galiyo wax qabsiga iyo dawlad wanaaga ka hirgalay Somaliland, isla markaana ay Somaliland awoodo inay maal gashadaan sherkadaha iyo maal qabeenada waddanka Britain. Inta ka dib waxaa madasha ka dhacay doodo iyo iswaydaarsi wadatashiyo wasiiradda labada dawladood ee Somaliland iyo Ingirriska dhexmaray, waxayna ka hadleen sida ugu haboon ee Somaliland loo maal galin karo, iyo shuruucda loo maraayo. Arrintan ayaa ah talabadii ugu horeysay ee ay Somaliland u qaado xagga maalgashiga shisheeye, waxayse waxkasta ku xidhnaan donaan siday uga faa´ideysato dawladda Somaliland ee u hoggaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)
Waftiga wasirada ee ka socday Xukuumadda Somaliland ayaa lagu wadaa inay bari sii wadaan kulamada ay la leyihiin dawladda Ingiriiska.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4228
- Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
- Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories
Re: breaking news:Britain recognizes jamhuuriada Somaliland
Madelina:those pretty eyes of you alone would have brought the ictiraaf home,soo ma ogid
(or is the pict fake?
)
on a serious note though,if you think those hall town meetings will bring anything close then good luck.you are in it for a long,disappointing journey.btw,the event wasnt organized by the U.K government like the article claims.the government dont host official events in hotels.epic fail


on a serious note though,if you think those hall town meetings will bring anything close then good luck.you are in it for a long,disappointing journey.btw,the event wasnt organized by the U.K government like the article claims.the government dont host official events in hotels.epic fail

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 1018 Views
-
Last post by Mizzy_Flame
-
- 26 Replies
- 2350 Views
-
Last post by Gacalisa
-
- 8 Replies
- 1798 Views
-
Last post by Thuganomics
-
- 2 Replies
- 480 Views
-
Last post by original dervish
-
- 12 Replies
- 1632 Views
-
Last post by zidane88
-
- 6 Replies
- 717 Views
-
Last post by Garuun
-
- 28 Replies
- 3975 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 2 Replies
- 2001 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 10 Views
-
Last post by MinionsJSL