Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police station

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police station

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo ayaa caawa makhribadii soo weerarey Ciidamada Booliska Puntland ee ku sugnaa Aaga Warshad Galey Magaalada Gaalkacyo, Hal Askari oo bileyska ka tirsan ayaa dhintey.

Dhinaca MAleeshiyaadka khasaaraha gaarey lama cadeyn balse halgaari ayaa gacanta looga dhigey.

Malaashiyaadkaan ayaa si gaadmo ah ku soo weerarey Bileyska Gaalkacyo goob ay kusugnaayeen, Waxeyna Maleeshiyaadkaan kasoo duuleen Koonfurta Gaalkacyo.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

War Deg Deg ah:Booliska gobolka Mudug oo gacanta kusoo dhigay kooxo jidgooyooyin dhigtay inta u dhaxaysa Gaalkacyo & Beyra.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Ciidamada Amaanka gobolka mudug ayaa goordhaweyd howlgal culus oo aysan cidna wax ku noqon oo ay kasameeyeen inta u dhaxaysa deegaanka Beyra & Gaalkacyo oo ay Beyra dhanka Galbeedka uga beegan magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas ay ciidamada amaanku soo qabqabteen qeybo kamid ah malayshiyadaas.

Wararka ay APL ka helayso halka howlgalkan laga sameeyey ayaa sheegaya in shalay ay koox kamid ah malayshiyaadkaasi isbaaro dhigteen inta u dhaxaysa Beyra & Gaalkacyo iyadoo sidoo kalena maanta malayshiyaad intii hore kabadani ay isa soo aruursadeen,iyadoo ay wararka qaarkiisna sheegayaan in ay malayshiyooyinkani kasoo jeeda koonfurta gobolka Mudug.

Sarkaal kamid ah taliska qeybta booliska ee gobolka Mudug ayaa APL u xaqiijiyey in howlgalkaasi oo ay daqiiqado koobani rasaas socotay kadib soo gabagabowday,wuxuuna intaas kudaray in inkabadan 5-kamid ah malayshiyaadkaas ay soo qabteen islamarkaasna ay dhanka magaalada Gaalkacyo usoo gudbiyeen isagoo sheegay inay kuwo kalena ku raadjoogaan.

Wixii war ah oo kasoo kordha howlgalkan APL kalasoco.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

Booliska Puntland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Maleeshiyo Jidgooyo Dhigatay Duleedka Gaalkacyo

Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay maleeshiyaad la sheegay in ay jidgooyo dhigteen duleedka magaalada, gaar ahaan wadada u dhaxeysa degmada Gaalkacyo iyo deegaanka Beyra ee gobolka Mudug.

Koox maleeshiyo ah ayaa la sheegay in ay ciidamadu soo qabteen xilli ay ku guda jireen baarashada dadka rakaabka ah ee wadadaasi ku safra, waxaana ciidamadu ay keeneen gudaha magaalada Gaalkacyo dableydii wadadaasi dhigatay jidgooyada.

Saraakiisha ciidamada Booliska gobolka Mudug weli wax faah faahin ah kama aysan bixin maleeshiyaadka ay soo qabteen inta ay tiro ahaan la eg yihiin iyo howlgalkii lagu soo qab qabtey khasaaraha ka dhashay, hase ahaatee waxay balan qaadeen in ay warbaahinta uga warbixin doonaan howlgalka lagu soo qab qabtey maleeshiyaadka jidgooyadu u tiilay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka jidgooyada dhigtay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Beyra ay yihiin rag ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo, kuwaasi oo haatan sida la xaqiijiyey su’aalo lagu weydiinayo saldhiga bartamaha ee magaalada Gaalkacyo.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);- Laamaha amaanka Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday ciidamo katirsan Dawlada Puntland laga soo abaabulay koonfurta magaalada Galkacyo.

Warka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadkan isku dhawyihiin shaqsiyaad ciidamada Policka ka soo qabteen degmada Bayre ee Gobolka Mudug kuwaa oo dadka jidgooyo u dhigtay shacabkana ku soo wargaliyeen ciidamada amaanka deetana gacanta lagu soo dhigay dhamaantood.

Weerarka xalay waxaa ku geeriyooday askari katirsan ciidamada Policka waxaana gacanta looga dhigay gaarigii ay weerarka ku soo qaadeen halka wararka qaarsheegayaan in qaarkood xabsiga ladhigay.

Laamaha amaanka Gobolka Mudug ayaa sheegay in baaritaano dheeriya samaynayaan kuna dadaalayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigilahaayeen maleeshiyaadka duulamada ka soo qaada koonfurta Galkacyo.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo: Askari iyo haweeneey ku dhintay rasaas lagu furay goob dadku ku badan yahay

Galkacyo, April 03 - Laba qof oo ay midi ahayd haweenay ayaa xalay dhintay kadib markii koox hubaysan ay goor fiidkii ah tacshiirad ku fureen waddo halbawle ah oo dhex-marta magaalada Galkacyo.

Qofka kale ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland iyada oo dadka wax laayay ay rasaasta ka fureen afaafka hore ee xerada warshadda Galleyda ee Galkacyo. Qofka dumarka ah ayaa iyadu ka mid ahayd dad halkaa marayay.

Si rasmiya loogama oga jihada weerarka gaysatay. Hayeeshee, sarkaal ka tirsan ciidamada bilayska oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa Radio Daljir u sheegay in ay ahaayeen rag ka soo tallaabay dhinaca xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Galkacyo markii danbana ay u baxsadeen. Nooma suura-galin in aan warkaas ka xaqiijinno ilaha ammaanka ee maamul-goboleedka Galmudug.

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale rag hubsani meherado lagu caweynayey ay rasaas oodda uga qaadeen taas oo iyana sababtay dhimashada labo nin oo dhallinyaro ah iyo dhaawac tiro intaas ka badan.

Falka xalay dhacay ayaa la tilmaamay in uu ahaa mid lala bartilmaameedsanayey askariga ka tirsan ciidamada amniga ee Puntland waxana jira warar haddiiba la isla dhexmarayo oo dhacdadan la xiriirinaya hawl-gallo ciidamada nabad-galyadu shalay ay ka sameeyeen waddo u baxda dhinaca waqooyi ee magalada Galkacyo gaar ahaan agagaarka tuulada Beyra oo koox jid-gooyo ah oo kana soo jeedda koonfurta gobolka Mudug ay jid-gooyin dhigteen, kuna baarteen gaadiid iyo dad waddadaasi ku safrayey.

Hawl-galkaasi oo dhacay shalay galinkii danbe, waxaa lagu soo qabtay saddex nin oo ka mid ahaa raggii falalkaasi baarshada ah ka sameeyey jidka aada Beyra iyo Bursaalax, kuwaasi oo midkood uu ahaa dhawac xilligii ciidanku gacanta ku dhigeen, haatanna lagu daweynayo isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Falalka hadda soo cusboonaaday ee baarashada gaadiidka iyo galidda waddooyinka iskugu jira ayaa ah kuwo horay dhaw jeer uga dhacay waddooyin badan oo ah kuwa magaalada Gaalkacyo ka soo gala dhinaca waqooyiga, waxaana laga nastay arrimahaan kaddib markii dhawaan ay ka dhaceen isku dhacyo hubaysan oo dhiig badan ku daatay, sababna u noqday yaraansha is-dhaxgala iyo wada daaqista dadyawga gobolka deggan.

Tallaabooyinkan ayaa noqonaya imtixaankii ugu horeeyay ee soo food-saara heshiis dhinacayo badan oo amnigu ku jiro, kaasoo ay dhawaan kala saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Puntland.

Diiwaanka wararka
Daljir.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

Duqa Degmada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa sheegay in sharciga lamarsiindoono maleeshiyaad ciidamada Policka soo qabteen kuwaa oo jidgooyo utaalay wada udhaxaysa Galkacyo iyo Bayra.


Godomiyaha ayaa sheegay in dadkan baaranjireen gawaarida halkaa ku safraysa muda dhibaato ay ku hayaan dadka shacabkaa waxaana uu meesha ka saaray warkasoobay horjoogayaasha mamulka koonfurta Galkacyo kaa oo ku aadanaa in ragan ay ahaayeen dad shacaba oo falalkaas aysan ku luglahayn.

C/raxmaan ayaa sheegay in ay ka soo jeedaan koonfurta Galkacyo xiliga la soo qabanayana kujireen dhibaataynta dad shacaba waxaana uu intaa ku daray intii uu hawlgalka socday in qaarkood dhaawac soo gaaray.

Hadalka Godomiyaha ayaa ku soo aaday xili horjoogayaasha mamulka koonfurta Galkacyo sheegen in raga ciidamada Puntland soo qabteen ay ahaayeen dad shacaba oo halkaa ku sugnaa balse qaarkood ayaa qirtay falka lagu soo qabtay.
killing policeman they are normal citizen ...????
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad hubaysan

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen kooxo hubaysan oo kasoo jeeday Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo la sheegay inay jid gooyo u tiilay Magaaladaasi.


Kadib howlgal ay ka sameeyeen ciidamada Maamulka Puntland duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Beera ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen ilaa 6-qof oo ay tilmaameen inay jidgooyo u tiilay inta u dhaxaysa Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Bacadweyn ee Woqooyiga gobolka Mudug.


Ciidamada amniga ee Maamulka Puntland ayaa kooxahaasi gacanta ku dhigay xili ay baarasho ku hayeen qaar ka mid ah gawaarida ku safarta wadadaasi.


Duqa degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji Max’uud Xasan oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada ay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan kooxahaasi oo uu tilmamay in mudooyinkii dambe ay dhibaato wayn u gaysanayeen dadka safarka ah ee isticmaala wadaasi.


Howlgalkaani ay sameeyeen ciidamada amniga ee Maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe inta u dhaxaysa deegaanada magaalada Gaalkacyo ay kusoo badanayeen jidgooyooyin sharci daro ah ay dhiganayaan Maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan kuwaasi oo dhibaatooyin u gaysanayay gawaarida ku safarta halkaasi.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by FBISOMALIA »

Ciidamada madanigee xaafada Garsoor ee magalada Galkacyo oo loogu talagalay sugida amaanka xaafada ayaa baacsaday dablay hubaysan oo doonayay in falal qorshaysan xaafadaa ka fuliyaan.

Sida Puntlandi.com u sheegay mid kamida Odayaasha xaafada waxaa xili fiidkii ah xaafada soo galay dablay hubaysan oo tira ahaan udhaxaysa 4 ilaa 2 kuwaa oo doonayay in dilal qorshaysan iyo falal amaandaro kagaystaan xaafada waxaana kawarhelay dadka shacabkaa oo ka shakiyay astaamaha ragan iyagoo ku wargaliyay ciidamada ilaalada xaafada.

Intaa kadib ayaa maleeshiyaadkii waxaa ay adeegsadeen rasaas iyo bambaano nooca gacanta laga tuuraa waxaana baacsaday ciidamada ilaalada xaafada iyagoo ubaxsaday dhinaca koonfureed ee magaalada Galkacyo.

Oday dhaqameedka warka soo gaarsiiyay wakaalada wararka Puntlandi.com ayaa sheegay in xaafada maalmihii udanbeeyay lagu arkayay shaqsiyaadka doonaya in falalka caynkaas oo kalaa gaystaan waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka soo talaabaan xaafada dariskaa ee koonfurta Galkacyo.

Weeraraka xalay ayaa waxaa uu qasaara ka soo gaaray 1askari lama sheegin qasaara kale halkawararka qaar sheegayaan in gacanta lagu dhigay qaybkamida maleeshiyaadkii duulaanka soo qaaday.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Maleeshiyaad south Gaalkacyo attack Puntland police stat

Post by quark »

walle there is no cure for mooryanism :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”