w.health puntland Staff work in remote villages

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

w.health puntland Staff work in remote villages

Post by FBISOMALIA »

Image

Garowe:Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa koox caafimaad oo ay hogaaminayso waxay kormeer iyo daawo qaybin u tageen Degmooyin iyo Tuulooyin k a tirsan Gobalka Nugaal halkaas oo ay qaylo dhaan caafimaad daro uga timid.

Bartamihii bishii dhamaatey ee Maarso ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa soo gaarey qaylo dhaan dhanka Caafimaadka ah oo uga timid deegaano hoos yimaada Degmooyinka Dongorayo iyo Eyl oo ka tirsan Gobalka Nugaal, waxaana markaas arintaas qaylo dhaanta ah ka fariistay Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha dhanka Caafimaadka kala shaqeeyo iyadoo ugu danbayna uu Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi uu amar ku bixiyey in la tago meelaha qayladhaantu ka timid isla markaasna cagta lasoo mariyo Deegaanada abaartu saamaysay ee ka tirsan Degmooyinka Gobalka Nugaal.

Image

Koox ka kooban 5 xubnood oo isugu jira Wasaaradda iyo Hay’ada Merlin ayaana gurmad ahaan halkaas u aaday iyagoo wata adeegii Caafimaad ee gargaarka deg deg ah oo daawo ay ka mid tahay. Kooxdan Caafimaad waxaa hogaaminayay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cali Diiriye Siciid.

Kooxdu waxay socodkooda ka bilaabeen magaalada Garowe 16-kii Maarso 2011 iyagoo sii marey Suna-jiif, Degmada Dongorayo, Qarxis ilaa ay habeenkii ka galeen Degmada Eyl oo ay u hoydeen halkaas oo tuulooyin hoos taga laga soo sheegay Xanuuno Shuban, Qufac iyo Iswad leh ayna sabab u tahay abaarta iyo biyo la’aanta deegaankaasi ka jirta.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud Cali Diiriye Siciid ayaa markii ay kasoo laabteen gurmadkii ay ku tageen Degmooyinka Gobalka Nugaal waxa uu ka warbixiyey waxyaabihii ay lasoo kulmeen iyo xaalada deegaanku sida ay tahay. Agaasimuhu waxa uu sheegay inay la kulmayeen maamulka iyo shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Degmooyinka iyo Tuulooyinka iyagoo ka waraysanayay xaaladu siday tahay iyagoo markaasi siinayay Daawooyin iyo wacyigalin ku aadan xaaladaha adag sida abaaraha oo sababta xanuuno khatar ah oo biyo la’aantu keenayso.

Degmada Eyl ayuu sheegay Cali Diiriye in siweyn ay halkaas ugu soo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo waxgaradku iyadoo halkaasna ay ka wada hadleen xaalada oo ay warbixin ka dhagaysteen iyadoo markaasna Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Degmadu isla garteen in la furo Isbitaalkada Degmada Qaybta gargaarka deg deg ah si loola tacaalo xaaladaha deg deg ah ee degmada ka jira, Wasaaraddu waxay maamulka degmada iyo Shaqaalaha Caafimaadka ku wareejisay Daawo gargaarka deg deg ah oo loogu talagalay in dadka lagu caawiyo xaaladaha deg deg iyo cudurada sida deg deg ah ku dhici kara xiliyadan oo kale sida Shubanka.

Maamulka Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxay mahad balaaran usoo jeediyeen Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo imika wada qorshayaal ay wax uga qabanayo Degmooyinka iyo Tuulooyinka laamiga ka baxsan arinkaas ayay ku tilmaameen maamulka Eyl mid geesinimo leh iyagoo tibaaxay in Wasaaradda Caafimaadku ay tahay wasaaradda kaliya ee Dowladda Puntland ee waxqabadkeedu dhabta yahay shacabkeedana la garabtaagan Caafimaad iyo hormar, Odayaasha Tuulooyinka ayaa sidoo kale ka mahadnaqay booqashada Kooxda Gurmadka ee wasaaradda Caafimadka Dowladda Puntland oo daawooyin iyo baarisba ka wada Tuulooyinka degmooyinka Gobalka Nugaal. Kooxda Caafimaadka ee uu Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadku hogaaminayay ayaa iyagana si diiran loosoo dhaweeyey iyagoo markaasina la marti soorey.

Image

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud waxa uu sheegay in ay booqdeen MCH-yada Daawad iyo Badey intii ay joogeena ay kormeereen shaqada halkaas ka socotey iyadoo kooxda Gurmadka Caafimaadkuna ay tabobar kooban siisay shaqaalaha caafimaadka ee degmada Eyl si ay ula tacaalaan xaaladaha deg deg ah. Biyaha Degmadu Cabto ayuu sheegay inay yihiin kuwo aan nadiif ahayn iyadoo ceelal af banaan ka cabta waxayna wasaaraddu siisay dadka Kaaniino ay ugu talagashey in ay weelasha ay biyaha ku dhaansadaan inay ku ridaan marka ay dhaansadaan oo ay mudo sugaan inta biyaha jeermisku ka dhimanayo.

Agaasimuhu waxa uu sheegay inay dadka u sameeyeen wacyi galin balaaran iyagoo siinayay daawooyin ay biyaha ceelasha isaga daraan si aysan ugu xanuusan, waxaana uu sheegay in xaaladan dhanka caafimaad darada ah ee Degmada Eyl uu u dhintey hol qof oo ah Oday waayeel ah kaasi oo da’diisu ahayd 110 sano. Heerka nafaqada darada ee caruurta ayuu sheegay inay badan tahay ayna xaalada cariiri kasii dhigtey abaarta ba’an ee jirta iyadoo dadka intiisa badan ee reer Miyiga ah ay ka baqooleen deegaanada aan biyaha badan lahayn iyagoo u dhawaadey meelaha biya laga dhururuqsanayo ee iyaguna gabaabsiga ah. Abaartu waa mid daran waxaana ay kooxdu sheegtey inay arkayeen xoolo ari u badan oo baqtidoogu yaalo banaanada Tuulooyinka iyo agagaarada Ceelasha iyo Barkadaha ay xooluhu biyaha ka cabaan, waxayna kooxdu sheegtey in xaalada abaartu ay khatar tahay oo aanan looga badbaadi karin wixii aan ka ahayn dhibic roob oo la helo.

Image

Safarkan oo qaatey 7 casho ayaa kooxda Caafimaadku waxay sidoo kale tageen Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal halkaas oo ay booqdeen labada MCH ee Degmada Buurtinle, xaalada Buurtinle ayuu sheegay Agaasimaha waaxda Caafimaada guud ee Wasaaradda Caafimaadku inay tahay mid wanaagsan marka loo eego deegaanada ay soo mareen.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa imika dadaal kula jirta Xaaladaha deg deg ah ee dhanka Caafimaadka waxayna ilaa hadda Wasaaraddu kasoo jawaabtey Gobalada Bari, Nugaal iyo Mudug, waxaana Wasaaraddu imika ay qorsheynaysaa inay Kooxda Gurmadka deg deg ah ay u dirto Degmada Taleex ee Gobalka Sool halkaas oo laga soo sheegayo xaalado Caafimaad daro.

RBC Radio

Xafiiska Garowe
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”