Wafdigii ugu Horeeyey oo ka Socda DKMG oo Maanta Gaaray gedo
Posted: Sat Apr 02, 2011 9:31 pm
Muqdisho (RBC) Waxaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo gaarey markii ugu horeysay wafdi ka socda DKMG ah ee Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyada DKMG Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxaa xubno ka ah wasiir ku xigeeno,saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan DKMG ah waxayna saaka gaareen degmada Beledxaawo.
Wafdiga oo ujeedka booqashadiisa ku sheegay u kuurgalida xaalada magaalada iyo degaanada kale ee gobolka ee dhowaan dawladu kala wareegtay Al Shabaab ayaa la filayaa in mudo dhowr maalmood ah ay joogaan Beledxaawo iyo deegaanada kale ee gobolkaasi Gedo.
Wasiir ku xigeenka gaadiidka ee DKMG ah C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah xubnaha wafdigan ayaa maanta sheegay in hadda ay bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan waxgaradka degaanka iyo saraakiisha dawlada eek u sugan Beledxaawo. Wuxuuna intaa ku daray inay kulamadu yihiin kuwo looga arinsanayo xaalada amni, mida nololeed ee gobolka guud ahaantiisa.
Wuxuu sidoo kale wasiir ku xigeenku sheegay in ay tegi doonaan degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey oo ay hadda joogaan ciidamada DKMG ah isagoo xusay in dhamaan ay kulamo kula qaadan doonaan saraakiisha deegaankaasi.
Wararka RBC Radio soo gaaraya ayaa sheegaya in saraakiisha wafdiga dawlada ee ku sugan Beledxaawo ay kala hadlayaan arimo ku saabsan maamul u sameynta degmooyinka dhowrka ah ee gacanta dawlada ku soo laabtay ee ka tirsan gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo la yeelanaya ciidamada ka dagaaamay degmooyinkaasi oo la rajeynayo in dawladu siiso mushaharaadkooda dhowaan.
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada DKMG ee gaarey degmada Beledxaawo ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee ka socda DKMG ah ee gaara degmadaasi tan iyo intii ay dawladu qabsatay bishan horaanteeda degmooyin dhowr ah oo ay Shabaabku heysteen. Waxayna talaabadani noqoneysaa mid xukuumada Raisul wasaare Farmaajo ku dooneyso inay ku soo jiidato saraakiisha iyo maamulada deegaanada ee ka horjeeda ururka Al Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho