Musharaxa Madaxweynaha UDUB DR Ubaxle

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Musharaxa Madaxweynaha UDUB DR Ubaxle

Post by LiQaaye_TDH »

http://burcoonline.com/view.php?id=214

Birmingham (BurcoOnline) 03.04.2011 Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga Udub ee Caalamka iyo Xarunta dhexe ee Xisbiga Mudane Abdirahman Ali Ubaxle ayaa Xafiiskiisa Birmingham ka soo saaray Warsaxaafadeed uu ku cadeeyey inuu u sharaxanyahay jagada madaxweynaha ee Xisbiga UDUB, marka ugu horaysa ee ay suurta gal tahay in la qabnto shir xisbiga ah isagoo seegay in xiligan xisbiga UDUB uu magac ahaan uun jiro balse aanu dhisnayn.

Aniga oo ah Muwaadin Somalilander ah kana mid ah xisbiga UDUB, gaar ahaan kooxdii ururkii Asad ee ku biiray xisbiga UDUB sanadkii 2003, waxaan in badan ku dedaalay sidii xisbiga UDUB uu u noqon lahaa xisbi adag oo ku midaysan wada tashiga iyo horumarka Dalka, waxan shacbiga reer Somaliland in badan ku wacyi gelinay in laga fogaado Qabyaalada oo si niyad iyo wax wada qabsi ah la isu dhex galo oo lagu midoobo fikrad caafimaad qabta oo ku salaysan horumar taasina lagu heli karo in la galo sadexda xisbi qaran UDUB, KULMIYE, iyo UCID, iyadoo xisbi kasta ay ku midoobi karaan Muwaadiniinta Somaliland ee kala degan min Ceelayo ilaa seylac, iyagoo ku midoobaya fikrada ay u arkaan inay dan u tahay horu socodka iyo horumarka Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba walaalayaal waxaa markasta jirtay kala daadsanaan iyo is maqal la,aan ka dhex jirtay xisbiga dhexdiisa, waxaa jirtay iyana in xisbiga UDUB aanu uga faaiideysan jaaniskii uu u helay hogaaminta dalka, waxaana sabab u ahaa iyadoo ay isku milmeen hogaankii dalka iyo hogaankii xisbiga waxaana jirtay in madax badan oo xisbiga ahi ay si khaldan u isticmaaleen magacii xisbiga sidii xisbigii keligii taliye Siyaad Bare ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeead, waxaan meesha ka madhnayn in mar qudha aan la qaban shir Xisbiga ah oo si xor oo xalaal ah uu uga soo baxay Musharax ka tartamay xisbiga dhexdiisa oo la doortay.

Doorashadii ugu horaysay ee Xisbiyada Somaliland ku tartamaan waxay ahay April 2003 Xisbiga UDUB waxaa musharax u ahaa Madaxweynihii hore iyo Ku xigeenkiisii Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasin, ma jirin shir xisbiga ah oo lagu soo doortay balse waxaa lagu sharfay jagooyinkan inay isu taagaan ka dib markii ay soo hayeen taladii dalka sanadkii uu mootanaa Madaxweynihii Qaranku ilaahay naxariistii Jano ha ka waraabiyee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Doorashadii labaad ee dalka ka dhacday 26/06/2010 waxaa xisbiga UDUB u sharaxnaa isla musharaxiintii hore ee Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yusuf Yasiin iyaguna kuma iman shir xisbigu u qabsaday si xor ah balse waxay ahaayeen musharixiin iskood isu sharaxay ka dib markay shir been abuur ah ku qabteen 3/2/2009 Hoteel Maansoor halkaas oo la isugu keenay koox laga soo ururiyey gobolada iyo xaafadaha, iyadoo badhasaab kasta lagu amray inuu keeno 50 qof oo farta taaga, wasiir kastana lagu amray 30 qof oo booskiisa ilaaliya, shirkaas waxaa lagu bedelay xeerkii xisbiga, waxaa laga saaray xildhibaano ku soo baxay codka taageerayaasha xisbiga, waxaa loo diiday musharixiin magac weyn xisbiga ku lahaa soona dhisay isla markaana isu diyaariyey inay isu sharaxaan jagada madaxweyne ee xisbiga dhexdiisa, waxaa iyana jiray madax badan oo xisbiga ka mid ahaa oo iyana qaadacay inay shirkaas ka qayb galaan ka dib markay u arkeen shir sharciga ka fog, waxaa laburburiyey oo meesha laga saarey golohii dhexe ee xisbiga ee sharciga ahaa ee ay ku midaysnaayeen dhamaanba ururadii ku midoobay xisbigii UDUB ka dib doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay 2003.

Dhamaan arimahaan aan kor ku soo xusay waxay sababeen in xisbigii burburo una kala jabo laba kooxood oo ah kooxdii musuqmaasuqa isku bahaysatay ee shirka been abuurka ah ku qabatay Maansoor si ay mar kalae talada ugu soo noqdaan oo ay halkoodii ka sii wadaan boobkii iyo musuqii iyo koox dalka lexejeclo ka haysay unu adkaysan weyday tacadiga iyo musuqmaasuqa dalka ka socda lana baxday UDUBta isbedel doonka oo uu madax u ahaa Mujaahid C/laahi Xuseen Iimaan ( Darawal ) aniguna aan u ahaa xoghayaha arimaha dibeda, burburkii xisbigu sidii ayuu weli u jiraa mana jiro xisbi inoo dhisan waana sababta guul darada u keentay xisbiga, sidaa darteed ayaan ugu baaqayaa in xisbigu qabsado shirkii uu ku dooran lahaa Golihiisa dhexe ee sharciga ahaa iyo musharixiisa madaxweyne ee xisbigu yeelan lahaa.

Aniga oo ah C/raxmaan Cali Ubaxle waxaan hada laga bilaabo ahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga UDUB marka ugu horaysa ee la isugu yimaado Shirka xisbiga.
Hadaan sharaxaad ka bixiyo kuma aayn ahay ( My CV )
Waxaan ku dhashay Magaalada Burco 1968.
Dugsiga sare waxaan ku dhamaystay magaalada Ceerigaabo 1986
Waxaan Shahaada BA ka qaatay jaamacadii umada Somaliyeed Gahayr qaybta sharciyada ( Garsoore )1990
Waxaan diblooma farsamada gacanta ah oo hal sano ah ka qaatay Germany frankfort 1991
Waxaan dibloma maamulka xisaabaadka iyo maareynta ah oo 2sno ah ka qaatay wadanka Denmark 1997

Waxaan la soo shaqeeyey Dawlada hoose magaalada Odensa Danmark
Waxaan imnka la shaqeeyaa Dawlada hoose ee Caasimada Labaad dalka ingiriiska Birmingham uk
Waxaan xubin ka ahay xisbiga leebarka ee wadanka ingiriiska.

Sidaa darteed waxaan karti iyo aqoon u leeyahay habka loo hogaamiyo dawlad casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo horumar, waxaan qiimeeyaa codka shacbiga, waxaan u arkaa inay tahay xiligii dhalinyaradu hogaamin lahayd dalka ee waa in la i taagero.

Waxaan shir jaraaid ku soo bandhigi doonaa sida aan rabo in aan wax u qabto iyo waxyaabaha aan ka bedeli doono dalkeena Somaliland.
Waxaan dhamaan taageerayaashayda, asxaabtayda, dhalinyarada, xubnaha xisbiga udub ee xildhibaanada ah iyo asxaabtaydii Isbedel doonka UDUB aan ka codsanayaa in ay taageeraan mowqifkayga musharaxnimo isla markaana u diyaar garoobaan soo dhoweyntayda aan ku iman doono dalka Somaliland.

Ilaahay ayaa mahad leh
Somaliland guul
Musharax C/raxmaan Cali Ubaxle
Birmingham UK
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”