War deg deg: Ciidamada Kenya oo la wareegay Dhoobley
Dagaalo culus oo saaka barqadii ka qarxay Degmada Dhoobley ee ku dhow xuduuda Kenya ayaa waxaa gacan ku heynta degmadaas kula wareegay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka duwanaa dagaaladii hore, iyadoo dagaalka maanta ahaa mid culus oo aan waxba la islula harin, waxaana markii hore uu ku bilowday madaafiic duqeyn ah, kadibna dagaal dhanka lugta ay dhowr jiho kaga qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Shabaab dagaalka uga baxeen dhanka wada Qooqaani iyo Banka-Jiira, waxaana xaalada wali degmada ay tahay mid aan fadhin.
Dagaalka ayaa socday muddo afar saacadood oo xiriir ah, waxaana Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda oo la yiraahdo G/lle Muxumed Faarax Dahir uu sheegay in degmada ay dhowr jiho la wareegeen abaarihii afarta barqanimo la wareegeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalada ay ka qeyb qaadanayeen Diyaarado Helicoptero ah iyo Taangiyo la rumeysan yahay inay Ciidamada Kenya ku taageerayaan kuwa Dowladda oo maalmihii u dambeeyay ku fashilmay inay qabsadaan degmada Dhoobley.Sidoo kale Afhayeen u hadlay Ururka Raaskambooni oo la yiraahdo Cabdi Kaafi Faarax ayaa isna sheegay in dagaalka ay ka wada qeyb qaateen iyaga iyo Ciidamada Dowladda, isla markaana ay dhowr jiho ka weerareen Shabaab.
Waxaa uu sheegtay in Hub fudud ay ku qabsadeen dagaalka, halka tiro uusan cadeyn oo dagaalyahano Shabaab dagaalka uga dileen, inkastoo aanu sheegin qasaare dhankiisa ka soo gaaray.
Dhaawacyada ilaa 14-ruux oo labada dhinac ee dagaalka ku qaaday Dhoobley ayaa loo qaaday dhanka Liboyo Kenya, oo ah meelihii ay ka duulaan tageen Ciidamada Dowladda oo dhinaca Kenya ah.
Al-Shabaab ayaa la wareegay degmada Dhoobley sanadkii 2009-kii Bishii October, kadib markii dagaal uga saareen Ciidamadii Axmed Madoobe, waxaana tan iyo mudadaas soconayay abaabul ciidan ay Kenya ku lug laheyd, kaas oo qorshihiisa ahaa deegaanada Jubooyinka, waxaana qorshahaas hada u muuqdaa mid bilow ah.
Degmada Dhoobley waa degmo Istiraatiijiyad dagaal, mid dhaqaale iyo isu socod u ah deegaanada Jubooyinka, iyadoo gacan ku heynta degmadaas ay muhiimad gaar ah u tahay dhanka Kismaayo oo cida heysata ay u fududahay inay kaga duulaan qaado.
Zoomalia wont make 2012


