Isimmada Puntland oo soo dhaweeyay heshiiska beelo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Isimmada Puntland oo soo dhaweeyay heshiiska beelo

Post by FBISOMALIA »

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland ayaa sheegay in laga gudbay colaaddii u dhaxaysay beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil oo maanta duug ku kala qaatay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Bosaaso.


"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhinacyada xaliyay dhiilladii colaadeed ee u dhaxeeysay"Ayuu yiri Ugaaska oo la hadlay HOL.


Ugaas Xasan ayaa ugu baaqay labada beelood in ay wacyi galin ka soo sameeyaan goobihii dagaalladu ay ka bilowdeen markii hore ee baadiyaha ,isagoo intaa ku daray in darasnimada ay xushmeeyaan.


"Dhinacyada waxaa laga doonayaa in ay ka run sheegaan heshiiska dhexmaray,wayna haboontahay in la saxo khalaadaadkii horay u dhacay "ayuu hadalkiisa ku daray Ugaaska.


Sidoo kale Ugaas Xasan ayaa tilmaamay in nabadda ay tahay shayga ugu qaalisan ee lagu wada joogi karo,isagoo si gaar ah u xusay xiriirka walaaltinimo ee labada beelood ka dhaxeeya. "Arrinta maanta dhacday waa taariikhi,waana in kor loo qaada heshiisyada noocaan oo kale si looga gudbo colaadaha," ayuu intaa ku daray.


Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah isimadii maanta duugta u gudoomay beesha Cali Jibraahiil ayaa isna sheegay in uu aad u soo dhawaynayo arintan ,isagoo beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay in arimaha soo dhex gala ay dhamaystaan.


Ugaas Xasan uu gudoomiye u ah gudiga dhex-dhexaadinta labadan beelood ayaa sheegay in qorsaha lagu dari doono sidii gabdho labada dhinac u kala gudoomi lahaayeen si meesha looga saaro arimihii horay u soo dhacay.


Ugu danbaytii beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil ayaa ku guulaystay in dhexdooda ay dhamaystaan khilaafki u dhaxeeyay ,waxaana duugtii maanta la kala qaatay ay ahayd wajigii labaad oo ay ku kulmaan labada dhinac.


Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Isimmada Puntland oo soo dhaweeyay heshiiska beelo

Post by quark »

:up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Isimmada Puntland oo soo dhaweeyay heshiiska beelo

Post by FBISOMALIA »

Image

Image

Image

Image
the two ismo left side (cali saleban ) right side (ali jaebraheel)

Image
cali saleban ismo

Image
cali jaebraheel ismo

Image
government represent
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”