Page 1 of 13

Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:13 pm
by Voltage
Buhoodle, Togdheer
Huge demonstrations against an upcoming consultative meeting on Somalia sponsored by the United Nations on Tuesday took place in northern, central and southern parts of the war-decimated nation. In Buhoodle, a town in northern Somalia, hundreds of people took the streets to show support for the Somali government’s rejection of the meeting, which will held in neighboring Kenya this month. The demonstrators raised photos of Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed, chanting slogans calling for all Somalia factions not to be present at what they called blatant cheating against Somalia.

http://www.allheadlinenews.com/briefs/a ... %20Somalia
Gaalkacyo, Mudug
Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo.

"Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay.

Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:14 pm
by Voltage
Beled-Xaawo, Gedo
Banaanbaxyo balaaran oo maanta ka dhacay degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo
anaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana banaan-baxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda.
Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada.
Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka, doonimeyno Al-shabaab, Soomaaliya - Soomaali baa leh, dooni meyno shirka shirqoolka ah ee Qaramada Midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah.
Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda.
Image

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:17 pm
by Voltage
Caabudwaaq, Galgaduud
CaabudwaaqR.CW)Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada
Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq
ee Gobolka Galgaduud, waxaana kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan
maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna iyo bulshada qeybahoda kala duwan.

Waxaa ka qeyb galay isu soo baxa maanta Gaadiidka gaashaaman ee
Maamulka Ahlusuna iyo kuwa dadweynaha iyaga oo socod ku soo maray
xaafadaha iyo wadooyinka magaalada, waxaana lagu soo xardhay sawirada
madaxda dowlada iyo calankeena Sharafta leh ee Soomaaliya, iyagoo ugu
dambayna isugu yimid Geedka Xoriyada ee Degmada Caabudwaaq.

C/risaaq Cilmi Caado oo kamid ahaa xubnihii soo agaasimay isu soo baxa
ay bulshada deegaanka ka dhigeen maanta degmada Caabudwaaq ayaa
sheegay in ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan DKMG ee Soomaaliya
go'aanka ay ka qaadatey Shirka lagu wado in lagu qabto Kenya iyo
Mudada sanadka ah oo ay xukuumadu ku siyaadsatey jiritaankeeda iyo
mowqifka hay'adaha QM ee mudada 90.ka cisho inay ku soo dagaan
Soomaaliya, Howlgalada wada jirka ah ee Dowlada iyo Ahlusuna ee
Gobolada dalka ay kawadaan iyo Hogaan Cusub ee Ahlusuna looga
dhawaaqay dhawaan Gobolka galgaduud.
Gudoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye
gudoomiyaha Gudiga Fulinta Sh. Xuseen Maxamed Cosoble iyo Afhayeenka
Maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka
mid ahaa xubnihii maamulka Ahlusuna oga qeybgalay maanta isu soobaxa
ay sameeyeen bulshada deegaanka.

Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye gudoomiyaha guud ee Ahlusuna ayaa ugu
baaqay bulshada Soomaaliyeedibay is cafiyaan si ilaahay Raxmaadkiisa
nooga soo waraabiyo maadaama ay jirto abaar saamaysay dadka iyo
duunyada dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay taageersan yihiin
maamulka Ahlusuna DKMG Go'aankeeda isaga oo caalamka ugu baaqay inay
ixtiraamaan dawlada dalka Soomaaliya ka jirta.

"Ahlusuna waxay taageeraysaan rabitaanka shacabka iyo dowlada
Soomaaliyeed waxaana ugu baaqaynaa umada Soomaaliyeed inay cadawgooda
umidoobaan Waxaa ay diyaar u tahay Ahlusuna inay dhigto gogol Nabadeed
cid kasta oo Soomaalinimada ogol waana ku heshiisiinaynaa cidii xilifu
ay ka dhix jirto (xiisad)' ayuu yiri gudoomiyaha oo sheegay inuu
umahad celinayo ciidamada qalabka sida ee Ahlusuna iyo DKMG sida ay
heeganka ugu yihiin difaacida Diinta, Dadka, iyo Diinta.

Sidoo kale Afhayeenka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka
hadlay aragtida Ahlusuna ee Shirka Kenya waxaana uu sheegay in aan
lagu wargalin Ahlusuna shirkaasi isla markaana aanay diyaar u'ahayn ka
qayb galkiisa isaga oo sheegay inay maqleen dad ku qaraabanaya magaca
Ahlusuna oo sheegtay inay mataayaan kuwaasi oo uu ku sheegay inaanay
wadan magaca Ahlusuna isla markaana aanay matali karin.

Sh. Bile ayaa umahad Celiyaya Ciidamada Qalabka sida ee Ahlusuna iyo
kuwa DKMG howsha adag ee ku aadan sugida amaanka deegaanada ay gacanta
ku hayaan waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan howlaha ay utaagan
yihiin.

Dadka kale ee ka hadlay isu soo baxa maanta waxaa kamid ahaa Odayaal
dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ururada Haweenka, Ganacsatada,
Abwaano, Ardada malcaamadaha kala duwan ee deegaanka waaana uu ku soo
dhamaaday sidii loogu tala galay.

C/kariin Axmed Bulxan
Image
Image
Image

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:22 pm
by ciyaal_warta
dadka cid u bilawda unbey sugaayeen :up: :up:
dofaarka mahiga he thinks he is the president of somalia :down:

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:24 pm
by James Dahl
How is it UN interference to get the TFG to follow it's own constitutional charter?

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:25 pm
by Voltage
ciyaal_warta wrote:dadka cid u bilawda unbey sugaayeen :up: :up:
dofaarka mahiga he thinks he is the president of somalia :down:
He really does, ku lahaa the meeting will go on even without TFG. Does this Tanzanian not know there is nothing that unites Somalis more than faragelin shisheeye :lol:

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:26 pm
by Voltage
James Dahl wrote:How is it UN interference to get the TFG to follow it's own constitutional charter?
Look at this coyness. Somalis are tired of foreign inspired and held meetings. If Mahiga wants to say something, let him come to Mogadishu.

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:27 pm
by Voltage
Former president, Abdiqassim Salaad on the VOA applauding the decision taken by Farmaajo

http://www.voanews.com/somali/news/Cqaa ... 63819.html

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:28 pm
by James Dahl
Voltage wrote:
James Dahl wrote:How is it UN interference to get the TFG to follow it's own constitutional charter?
Look at this coyness. Somalis are tired of foreign inspired and held meetings. If Mahiga wants to say something, let him come to Mogadishu.
No let's be serious here for a second, the TFG's mandate has been extended and extended again and again, it no longer serves the purpose for which it was created, if it ever did.
Why should the TFG's mandate be extended yet again?

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:34 pm
by Shift
Mahiga's response shows that money talks.Ama imaada ama meshiina jooga,the meeting will take place baa loogu jawabay.

The UN envoy said that the conference had been postponed twice in March and early April on the request of the Somali government.
‘If the Somali President wants another conference to be held in Mogadishu, we will do that, but we will not cancel this meeting even if the government does not attend ’, said Mahiga.
Ambassador Mahiga also said that the arbitrary extensions of the parliament’s own term of office and similar action by the government caused the dispute between the two institutions, saying the government did not consult with the parliament on the extension of its mandate.
The parliament has the constitutional right to extend the government’s mandate, so the government should first get the blessing of the parliament to extend its term of office’, said Dr. Mahiga.
Shariif sakiin is running the show walee.

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:36 pm
by Voltage
I don't contest that and I think few Somalis do. The problem is more about perceptions and the arrogance with which some are showing Somalia. Do Somalis have some serious things to talk about? Yes, but Mahiga can fork back to Tanzania for all we care.

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:47 pm
by XaliimoFarax
Voltage wrote:I don't contest that and I think few Somalis do. The problem is more about perceptions and the arrogance with which some are showing Somalia. Do Somalis have some serious things to talk about? Yes, but Mahiga can fork back to Tanzania for all we care.
:up:

I disagree with the extension but I also disagree with this Mahiga guy so for this reason I will support the TFG one more extension. :som:

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:52 pm
by abdalla11
There will be a meeting and we all know who's the forerunner of the coming election. There's nothing patriotic about not following your own constitution and giving yourself another extension just like that
James Dahl wrote:How is it UN interference to get the TFG to follow it's own constitutional charter?
:lol:

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 7:54 pm
by Voltage
Only reer Garoowe think Faroole has any chance of becoming Somali president like they though Cadde Muuse would be a strong member of the national government. :lol: :lol:

Re: Protests against the UN interference all over in Somalia

Posted: Wed Apr 06, 2011 8:09 pm
by abdalla11
You know zero about politics. The opposition wins. Why would Cadde Muuse replace AY when Cadde's admin was financing AY :lol:
When AY resigned who replaced him? Exactly, the opposition. Who's the biggest opposition of the TFG aside from the masked teenagers?

I must say it was a smart move by Farmaajo, but he showed his cards to early, he should've wait it till the last moment. Reer Garowe don't care about Farmaajo, Sharif needs to go