Page 1 of 1

Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minister

Posted: Fri Apr 08, 2011 1:58 pm
by ibrahimcw
Farmaajo meets Kenyan Prime minister in an effort to dislodge Mahigas hopes of the Nairobi meeting.


Wixii kasoo baxay kulankii raysulwasaarayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Caabudwaaq:(R.CW) Reysalwasaarayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee xafiiska Raila Odinga ee magaalada Nairobi.

Shirkan jaraa’id ayaa waxa ay qabteen kulan ay yeesheen kadib oo ay uga wada hadleen shirkii ay dhowaan Qaramada Midoobay sheegtay inay u qabanayso dowlada KMG ah iyo Maamul goboleedyada jira.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in uu Odinga kala hadlay inuu ka dhaadhiciyo dowladiisa in shirka lagu qabto gudaha Soomaaliya isla markaana uu soo dhaweeyay Raysul wasaare Raila Odinga oo balan qaaday inuu kala hadlayo dowladiisa.

Dhinca kalena raysal wasaare Farmaayo ayaa u mahad celiyey shacabka Kenya iyo dowladooda oo uu sheegay inay soo dhaweeyeen ummada Soomaaliyeed ilaa hadana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Farmaayo ayaa sheegay inay dowlada Kenya Ciidamo badan u tababartay dowlada Soomaaliya hadana ay sii laba jibaarayso mawqifka ay kaqabtana ay u muujisay beesha caalamka.

Waxa uu raysal wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo, ka war bixiyay dagaaladii dhowaan ay la galeen Kooxda Al shabaab oo uu guulo ka sheegay inay dowlada KMG ku gaadhay.

Iskusoo wada duuboo Safarka raysulwasaare Farmaayo ee Kenya oo ay dadku saadaalinayeen inuu iska badali doono go’aankii hore ee uu ka qaatay shirka ay Qaramada Midoobay ku qabanayso Kenya ayaan noqo sidii lamoodayay isagoo halkiisii ku adkaystay, Farmaajo iyo wafdigiisuna maalinta bari ah ayuu dalkii dib ugu noqon doonaa.


Ubax Cadood

Nairobi Kenya. (R.W) radiocabudwaq

Image
Image
Image

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 2:46 pm
by ZubeirAwal
:up: the only effective leader in 20 years

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 3:22 pm
by ibrahimcw
AbuukarSubeer wrote::up: the only effective leader in 20 years
:up:

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 3:26 pm
by mudugawi

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 3:38 pm
by ibrahimcw
mudugawi thanks for the video i was looking for it, its great to see the Prime minister standing his ground and speaking up against the unnecessary meetings proposed by UN's Mahiga. the fact that PM Mohamed Cabdullahi Farmaajo can stand next to Kenyan Prime minister and voice his opposition to the meeting in forieng soil in this case Kenyan soil is a development in it self, may we have more Somali leaders who have strong character and backbone like PM Farmaajo. :up:

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 3:41 pm
by Shirib
Has Kenya stated its position in all of this?

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 4:08 pm
by TheblueNwhite
Of course, Odinga's gov fully supports the TFG. :up: :up: :up: :som: :som: :som:

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 4:33 pm
by ibrahimcw
Shirib wrote:Has Kenya stated its position in all of this?
did you watch the video ? Odinga said Farmaajo spoke to him about issues including the Mahiga issue and he followed that up with an reassurance to the Somalia PM that the TFG enjoys Kenyas support, after that Farmaajo spoke and said the meeting will not be held in Kenya and it will be held in Somalia along with any future meetings concerning Somalia. shirib, there is no room for skepticism here. :lol:

Re: Breaking news:Somalia Prime minister & Kenya Prime minis

Posted: Fri Apr 08, 2011 5:10 pm
by Voltage
Shirib wrote:Has Kenya stated its position in all of this?
Odinga is quite clear in that video supporting the TFG's position.