Here is the link: http://taleex.net/2011/04/07/dawlada-in ... iya-sawiro
Highlights:
Safiirka oo kulan gaar ah la qaatay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Midnimada Soomaaliya (NSUM) Dr Cisman Xasan Cumar (Badawi) ayaa beeniyay warar ay dahwaan saxaafadu baahisay kaaso la xidhidhay in dawlada Ingiriisku ay wado qorsha qarsoon oo ay ku dooneyso in ay ku aqoonsato maamulka gooni goosad doonka ah ee isku magacaabay Somaliland.
Kulanka labada masuul dhexmaray ayaa qaatay saacad iyadoo ay ka doodeen xiisada colaadeed ee aloosan waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan duulanaka ay ciidmada Siilaanyo ku soo qaadeen gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn (SSC).
Mr Matt waxaa uu been abuur ku tilmamay waraaq ay saxaafadu heshay oo muujinaysay in ay xafiiskiisa ka soo baxday,waxaa uu sheegay ciddii sameysay qoraalkaasi in ay ka lahayd ujeedo gaar ah gaar ahaan ayuu yidhi in ay wax yeeleeyaan xidhiidhka dawlada Ingiriisku la lee yahay umadda Soomeeliyeed.
Mar uu ka hadlayay xaalada gobolada SSC ayaa uu sheegay in uu dhawaan magaalada Garowe kulan kula qaatay madax dhaqameedyada goboladaas isla markaana ka wada hadleen sida ugu sahlan ee xal loogu heli karo.


